Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa maanta ka degay magaalada Riyad ee caasimada Boqortooyada Sacuudi Carabiya, lugtii koowaad ee safarkiisii ugu horreeyay ee shaqo ee dibadda uu ku tago tan iyo markii uu xafiiska la wareegay. Safarkaasi oo socon doona afar maalmood wuxuu sidoo kale ku mari doonaa waddamada Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta, isaga oo rajaynaya in lagu gaaro heshiisyo waaweyn, xilli khilaafaad badan gobolka Bariga Dhexe ka taagan yihiin ayna adkaanayso in la xalliyo.
Booqashadu waxay socon doontaa laga bilaabo 13-ka ilaa 16-ka May, Trump-na wuxuu ku tilmaamay safarkaasi “mid taariikhi ah” mar Isniintii khudbad uu ka jeediyay Aqalka Cad.
Afhayeenka Aqalka Cad Caroline Levitt ayaa xustay muhiimadda weyn ee Madaxweynaha Trump uu siiyay safarkiisa uu ku marayo Sacuudi Carabiya, Qatar iyo Imaaraadka Carabta.
Trump ayaa marka hore booqan doona magaalada Riyadh, halkaas oo lagu qabanayo Madasha Maalgashiga Sacuudiga iyo Maraykanka. Arbacada wuxuu u safri doonaa Qatar, Khamiistana Imaaraadka Carabta. Inta uu joogo Riyadh, Trump wuxuu la kulmi doonaa madaxda lixda waddan ee Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) oo kala ah Sacuudi Carabiya, Imaaraadka, Baxrayn, Qatar, Kuwait iyo Cumaan.
Safarkiisa waxaa ku wehliya koox ganacsato Mareykan ah oo awood leh, oo ay ka mid yihiin Maamulaha guud ee Tesla iyo la-taliyihiisa Elon Musk. Trump wuxuu sidoo kale sheegay in laga yaabo inuu u safro Turkiga Khamiista si uu uga qeyb galo wada-hadallo suuragal ah oo dhexmaraya Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.
Laakiin wuxuu carabka ku adkeeyay inuusan booqan doonin Israa’iil ilaa ay dhacdo horumar muuqda oo la xiriira xabbad-joojin laga gaaro dagaalka ka socda marinka Gaza, taasi oo loo fasirtay in Netanyahu uu aqbalo qorshaha Mareykanka ee xabad joojin laga hirgaliyo Gaza arrinkaasi oo labada nin isku khilaafsan yihiin.
Maraykanka, Sacuudi Carabiya, Qatar iyo Imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay ku dhawaaqaan maalgashi dhan balaayiin doolar. Sacuudi Carabiya waxay hore u ballanqaadday $600 bilyan oo doolar in ay maalgelinayso Maraykanka afarta sano ee soo socota.
Sidoo kale, siddeed sano ka hor, Trump wuxuu Sacuudi Carabiya u doortay safarkiisii ugu horreeyay ee madaxweyne, isaga oo sawir xasuus ah la galay xubnaha qoyska boqortooyada dalkaasi isla markaana ka qeyb galay ciyaarta seef-saarka.
Go’aankiisa uu ku hareer maray xulafadiisii reer galbeedka ee soo jireenka ahayd, kuna doortay dalalka Khaliijka, waxay markale muujinaysaa doorkooda sii kordhaya ee siyaasadda gobolka iyo xiriirka ganacsi ee muhiimka ah ee kala dhexeeya Maraykanka.
Inkastoo dadka arrimaha Mareykanka falanqeeya ay leeyihiin Trump wuxuu wax kasta ka door bidaa dhaqaale iyo danaha Mareykanka oo ma xeeriyo xulufo & taariikh jireen ah.
HBN Online TV