Waxaa isa soo taraya dadaallada dhaqangalinta damaca madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ku aadanaa dooonistiisa ah in dadka Falastiiniyiinta ah ee ku nool Marinka Gaza gabi ahaanba laga barakiciyo halkaas, isaga oo habeeniimadii xalay shaaciyay in Mareykanku uu la wareegi doono Gaza taa badalkeedana shacabka Falastiiniyiinta ah loo raro wax uu ku tilmaamay goob nabdoon oo ammaan ah kana baxsan dhulka ay dagaalladu aafeeyeen.
Trump ayaa hadalkan sheegay xilli xalay uu ku soo dhaweeyay aqalka cad ee looga arimiyo Mareykanka Ra’isulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu kaasi oo maxkamadda caalamiga ee dambiyada ee ICC ay horey amar ugu bixisay in la soo xiro haddii uu socdaal ku tago dalalka caalamka, waxa uuna noqonayaa hoogaamiyahii ugu horeeyay ee Madaxweynaha Mareykan Donald trump uu ku casuumo Aqalka Cad tan iyo markii uu la wareegay xilka madaxtinimo ee Mareykanka.
Waxa uu si aada u xoojiyey baaqiisa ah in dadka reer Gaza loo raro dalalka kale ee Bariga Dhaxe sida Masar iyo Urdun si dib u dhis loogu sameeyo Marinka Gaza oo ay muddo ku dhow 15-bilood ka socdeen dagaallo qaraar, iyadoona soo jeedinta Trump ay diideen dadka Falastiiniyiinta ah iyo wadamada uu qorsheynayey iney dib u dajinta u sameeyaan dadka reer Gaza.
Trump ayaa arinta ku aadan qorshahan soo jeediyay bishii aynu soo dhaafnay ee Janaayo, isaga oo sheegay waa sida uu hadalka u dhigayee in uu doonayo in wadamada Masar iyo Urdun ay qaataan isla markaana dib u dajin ay u sameeyaan barakacayaal badan oo Falastiiniyiin ah, taasi oo qeyb ka ah dadaallada waxa uu ugu yeeray in lagu nadiifinayo Gaza.
Trump oo ka hadlayay dib u dhiska Gaza ayaa warbaahinta ku yiri “waxay ila tahay in ay helaan dhul wanaagsan, cusub oo qurux badan. Waxaan heli doonaa dad lacago ku bixiya si loo dhiso oo loo qurxiyoo. Loogana dhigo meel la dagi karo isla markaana guryo ah”.
Madaxweyne Donald trump ayaa mar uu ka hadlayey duminta Gaza waxa uu dul dhigay dhowr su’aalood kuwaasi oo u muuqday kuwa quus uu ku galinayey dadka Falastiiniyiinta ah ee wali rajada ka qaba ku noolaanshaha dhulkooda isaga oo yiri “waqti xaadirkaan ma haystaan ikhtiyaar, aan ka ahayn inay baxaan? Xaggee ku soo laaban doonaan, Waa Gaza-dee? Ma jiroo dhisme halkaa ka taagan”.
Sida laga soo xigtay ilo wareedka, Trump waxa uu ka hadlay suurtagalnimada ah in dib loo dhisi karo Gaza, halkaasi oo burbur weyni soo gaaray intii uu dagaalku socday, waxa uu sheegay in Mareykanku uu burburin doono haraaga hubka aan wali qarxin iyo dhismayaasha burburay iyadoona halkaa laga abuuri doono waa sida uu hadalka u dhigaye horumar dhaqaale isla markaana la siin doono shaqooyin iyo guryo aan xaddidneyn dadka deegaanka.
Trump waxa uu sheegay in Maraykanku uu dib u horumarin doono dhulkaas ka dib markii Falastiiniyiinta la dejiyo meelo kale oo uu ka dhigi doono meel ay ku noolaan lahaayeen dadka adduunka oo ay ku jiraan Falastiiniyiinta . Ma uusan bixin wax tafaasiil ah oo ku saabsan awoodda uu Maraykanku uu u isticmaali doono inuu ku qaato dhulka Gaza iyo sida loo maareyn doono horumarintiisaba.
Dhinaca kalena, horaantii bishaan wadamada Masar, Urdun, Sacuudi Carabiya, Imaradka Carabta, Qadar, Maamulka Falastiiniyiinta ee uu hoggaamiyo Maxamuud Cabaas iyo sidoo kale wadamada ku mideysan ururka Jamacada Carabta ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen waxey gabi ahaanba kaga soo horjeesteen qorshe kasta oo muujinaya ama soo jeedinaya in dadka Falastiiniyiinta ah laga raro dhulalkooda Gaza iyo daanta galbeed ee la heysto isla markaana loo barakiciyo meel kale.
Wadamada xulafada la ah Mareykanka ee Bariga Dhexe ayaa uga digay Trump in dadka Falastiiniyiinta ah oo laga raro Gaza ay khatar weyn galineyso xasilloonida iyo nabada Bariga Dhexe, isla markaana ay sababi karto in ay balaariso colaadaha iyo in ay wiiqdo dadaalka waqtiga dheer ay wadeen Mareykanka iyo xulafadiisa kaasi oo ah in la helo xalka laba dowladood.
Inkastoo Trump qorshahan uu wato, haddana dalal badan ayaa ka soo horjeestay, Wasaarada arimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya ayaa si kulul uga jawaabtay hadalka Trump iyada oo xustay in ay ku baaqay helitaanka dowlad madaxbannaan oo Falastiin ay yeelato taasi oo ah “mowqif adag, oo aan leexleexad lahayn”. Sacuudiga ayaa Mareykanka kala xaajooday heshiis diblomaasiyadeed kaasi oo ay ku aqoonsaneyso Israa’iil isla markanana ay qayb ka tahay heshiis amni iyo sharuudo kale.
“Waajibka bulshada caalamka maanta waa in ay ka shaqeeyaan sidii loo yareyn lahaa dhibaatada ba’an ee bini’aadamtinmo ee ay ku sugan yihiin dadka reer Falastiin, kuwaas oo ay ka go’an tahay inay ku noolaadaan dhulkooda ayna helaan xuquuqdooda si aan leexad leexad lahayn” ayaa lagu yiri bayaanka Sacuudiga.
Wali Trump waxuu ku adkeysanayaa in Falastiiniyiintu aysan heysan wax kale oo aan ka ahayn iney ka tagaan waxa uu ugu yeeray qashinka weyn ee Gaza. Waxuuna sheegay in gacanyarayaashiisu sare ay ku tilmaameen in muddo saddex ilaa shan sano ah dib loogu dhisi karo dhulkii ay dagaaladu ka dhaceen, sida ku xusan heshiiska xabad-joojinta ku meel gaarka ah.
Todobaadkii horre, madaxweynaha Masar Abdel-fattah Al-Sissi iyo Boqorka Jordan Boqor Abdulaha labaad ayaa ku gacan sayray baaqyadii Trump ee ahaa in dib u dajin loo sameeyo Falastiiniyiinta, laakiin Trump wuxu sheegay inuu rumeysan yahay in Masar iyo Jordan iyo waliba sidoo kale dalal kale oo uu san magacaabin ay ugu dambeyntii ku heshiin doonaan inay qaataan dadka Falastiiniyiinta ah ee laga rari doono Marinka Gaza.
Sidoo kale trump waxa uu sheegay in uu san Meesha ka saareyn waa sida uu hadalka u dhigayee in dhulka falastiiniyiinta la geyn doono ciidamada mareykanka si ay u taageeraan dib u dhiska Qaza. Waxuu saadaaliyey lahaanshaha muddo dheer ee marreykanka iyo dib u dhiska qaza.
Soo jeedinta madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee barakicinta reer Gaza ayaa waxa ka falceliyay Senetar Chris Murphy oo ah xubin ka tirsan xisbiga dimuqraadiga ah waxaana uu yiri “ wuxuu rabaa in Mareykanku uu ku duulo Gaza, duulaankas oo galaafanaya nolosha kumannaan Mareykan ah iyo in Bariga Dhexe dib ugu laabto dagaal 20 sano oo kale, taasi oo ah mid xanuun leh”.
Waxaa isna dhankiisa ka hadlay Senator Lindsey Graham oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga lagana soo doorto South Carolina ayna saaxiibo yihin Trump waxaan uu yiri “ waan arki doonaa waxa ay saaxiibadeen Carbeed ka yiraahdaan arrintaas”, isaga oo hadalkiisa sii raaciyey “waxaana u maleynayaa in inta badan dadka reer Carolina ay u badan tahay in aysan ku faraxsaneyn in Mareykanka uu la wareego Gaza. Waxaan u maleynayaa inay taasi dhibaato tahay, laakiin waxaan ku eegi doonaa maskax furan”.
Hadalka Trump ayaa yimid iyadoo ay wadahadallada ku aadan heshiishka xabad joojinta ahi ay sii kordhayaan usbuucan isla markaana la ballan qaadayo kordhinta gargaarka bini’aadantinnimo iyo dib u dhiska si loo caawiyo dadka Gaza oo ka soo kabanaya in ka badan 15 bilood oo colaad iyo dagaallo ba’an ay ku jireen. Hadda Trump wuxuu rabaa in ku dhawaad 1.8 milyan oo qof in uu ku qalqaaliyo inay ka baxaan dhulkii ay dhiiggooda u daadiyeen ahna gurigooda ka dibna uu la wareego Mareykanka.
W/Q: Nimco Timacade
HBN ONLINE TV