Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa saxiixay amar madaxweyne oo cusub oo si buuxda uga mamnuucaya muwaadiniinta 12 dal oo Soomaaliya ka mid tahay inay galaan Mareykanka, isaga sidoo kale xayiraadyo qeyb ah ku soo rogay muwaadiniinta 7 dal oo kale.
Amarka madaxweynuhu wuxuu si buuxda u mamnuucayaa muwaadiniinta ka soo jeeda dalalka kala ah Afghanistan, Myanmar, Chad, Congo, Equatorial Guinea, Eritrea, Haiti, Iran, Libya, Somalia, Sudan iyo Yemen.
Sidoo kale Trump wuxuu xayiraadyo qeyb ah ku soo rogay muwaadiniinta dalalkan, Burundi, Cuba, Laos, Sierra Leone, Togo, Turkmenistan iyo Venezuela.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa waxa kale oo uu ku hanjabay inuu liiskaasi ku dari doono dalal kale haddii loo baahdo.
Isagoo ku dhawaaqayay go’aanka ayaa Trump wuxuu yiri “Waxaan ogaadey in imaanshaha muwaadiniinta qaar uu dhaawici karo danaha Mareykanka haddii aan la qaadin tallaabooyin taxadar leh.”
Trump ayaa intaas ku daray in weerarkii Colorado uu muujiyay waa sida hadalka uu u dhigaye “khatarta ba’an ee ka dhalan karta dadka ajaanibta ee aan si fiican loo hubin ka hor inta aysan soo gelin Mareykanka.”
Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu saxiixay amarkan si uu “u ilaaliyo qaranka kana hortago gelitaanka argagixisada iyo kuwa kale ee halista ku ah ammaanka qaranka”, sida hadalka loo dhigay.
HBN ONLINE TV