Trump oo la sheegay inuu ka fakarayo in dadka reer Gaza la geeyo dalal Soomaaliya ka mid tahay

Maamulka Madaxwayne Donald Trump wuxuu ka baaraandagayaa saddexdda meelood ee lagu wado inuu u wareejiyo dadka uu ka barakicinayo marinka qaza.

Madaxwaynaha Maraykanka ayaa dhwaan ku dhawaaqay in dowladda Maraykanka ay u qorshaysan tahay in ay la wareegto gacan ku haynta marinka Qaza, iyo in dadka Falastiiniyiinta ee halkaas ku nool laga raro si marinka qaza dib loogu dhiso.

Wargayska ka soo baxa israa’iil ee The jerusalem post ayaa waxa uu qoray deegaanada laga baaraandagayo in ay kala yihiin Marooko,Maamul goboleedyada Puntland iyo Somaliland.

Warbixintu waxay ku nuux nuuxsatay in saddexdaan deegaan in ay wadaagaan inay Maraykanka ugu bahanyihiin taageero. Iyadoo Somalilad iyo Puntland oo dhulka Soomaaliyeed ka mid ah ay radinayaan aqoonsi caalami ah.Halka Marooko ay ka jiraan muran xaga dhulka ah oo ka la dhaxeeya saxarah Galbeed.

Warbixintaan ayaa soo baxday ka dib markii Donald Trump uu u sheegay wargayska The jerusalem post in uu aaminsan yahay Masar iyo Jordan in aysan diidi kareen marka uu waydiisto in ay qaabilaan qaxootiga laga rarayo marinka Qaza.

Intii lagu jiray kulan ka dhacay xafiiska Madaxwayne Donald Trump oo ay lahaayeen Ra’iisul wasaarah Isra’iil Benjamin netanyahu iyo Trump ayaa waxaa lagu gorfeeyay qorshayaasha uu mararykanku ka damacsanyahay marinka Qaza, hadii loo baahdana uu maraykanku ciidamo gayn doono marinka Qaza.

Arintaa la xariirta barakicinta ayaa waxaa cabasho ka muujiyay caalamka intiisa baddan, hasa ahaatee ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca soomalida ma jiro.
Dadka lafagura arimaha siyaasadda caalamka ayaa waxa ay sheegayaan in ay dhib badantahay meelmarinta qorshahaan marka laga fiiriyo xagga qaanuunka caalamiga ah, xagga qawaaniinta la xariira bini’aadanimada iyo axdiga lagu aasaasay Qaramadda midoobay 1945t.

Majirto cid ka tirsan maamuka Trump iyo masuliyiinta goobaha la xusay oo arintaan xaqiijiyay ama ka hadlay.

The jerusalem post

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed