Trump oo ku hanjabay inuu duqeyn doono Iiraan haddii bannaanbaxyada la laayo

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka digay suurtagalnimada inuu amri karo weerarro militari oo ka dhan ah Iiraan. Trump oo wariyeyaasha kula hadlay Aqalka Cad, ayaa sheegay in Iiraan ay ku jirto sida uu yiri “dhibaato weyn” kaddib dibadbaxyo ballaaran oo dadweyne, wuxuuna mar kale ku celiyay digniin ah inuu amri karo weerarro militari.

Wuxuu intaa ku daray inuu filayo in “dadku ay ku guda jiraan la wareegidda magaalooyin qaarkood, arrin aanay cidina filayn dhowr toddobaad ka hor.”
Mar wax laga weydiiyay farriintiisa ku wajahan hoggaamiyeyaasha Iiraan, Trump wuxuu yiri: “Waxaad ka fiicnaan lahaydeen inaydan rasaas bilaabin, sababtoo ah annaguna waan bilaabi doonnaa rasaas.”

Trump oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Haddii ay bilaabaan inay dadka dilaan — sidii ay horey u sameeyeen — waan faragelin doonnaa,”.

Wuxuu caddeeyay in tani aysan micnaheedu ahayn dirista ciidamo dhulka ah, balse ay tahay “in si aad u daran loogu garaaco meesha ay xanuunka ka dareemayaan.”

Dhinaca kale, Danjiraha Iiraan u fadhiya Qaramada Midoobay, Amir Saeed Irawani, ayaa sheegay in “Mareykanku mas’uul ka yahay in dibadbaxyadii nabadda ahaa ay isu beddelaan rabshado ballaaran oo burbur iyo qas wata.”

Warqad uu u diray Golaha Ammaanka, Irawani wuxuu ku gudbiyay sida uu yiri “cambaaraynta Tehran ee dabeecadaha joogtada ah, sharci-darrada ah iyo kuwa mas’uuliyad-darrada ah ee Mareykanka, oo si wadajir ah ula shaqeynaya Israa’iil, kuna faragelinaya arrimaha gudaha Iiraan iyada oo loo marayo hanjabaad, kicin iyo si ula kac ah u dhiirrigelinta xasillooni-darro iyo rabshado.”

Sirdoonka Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ee magacooda loo soo gaabiyo IRGC ayaa sheegay in “cadowgu beddelay istaraatiijiyaddiisii weerar militari una wareegay wiiqidda ammaanka gudaha iyada oo la kicinayo rabshado.”

Waxay intaas ku dareen in “cadowgu uu ku hawlan yahay fulinta barnaamij sax ah oo heerar kala duwan leh, oo hoos imanaya hagidda sirdoon shisheeye iyo dhaqaajinta kooxo argagixiso.” Sirdoonka Ilaalada Kacaanka ayaa sidoo kale sheegay in “faragelinta madaxweynaha Mareykanka, mas’uuliyiin Sahayuuniyiin ah iyo dhaqdhaqaaqa kooxaha argagixisada ay siiyeen dibadbaxyada qaab cusub.”

Isla wararkan, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa sheegay in dalkiisu uu taageerayo wax uu ku tilmaamay “dadka geesiyaasha ah ee Iiraan, halka afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka uu ku tilmaamay eedeymihii ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Cabaas Carqji ee ah in Mareykanku hurinayo kacdoonnada sii kordhaya ay yihiin “been abuur.”

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed