Wargeyska New York Times oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan maamulka Mareykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu ka soo horjeestay qorshe ay Israa’iil ku dooneyso inay ku weerarto xarumaha nukliyeerka ee Iran, isagoo doorbidayo inuu heshiis la galo Tehran si loo xakameeyo barnaamijkeeda nukliyeerka.
Sida lagu sheegay warbixita, Israa’iil waxay diyaarsatay qorshe weerar ah oo la fulinayo bisha May, kaasoo loogu talagalay in muddo sanad ah ama ka badan la wiiqo awoodda Iran ee horumarinta hubka nukliyeerka. Balse Madaxweynaha Mareykanka ayaa Tel Aviv u sheegay inuusan taageeri doonin weerar kasta oo ka dhan ah Iran.
Taageerada Mareykanka ayaa muhiim u ah Israa’iil si ay isu difaacdo haddii Iran ay jawaab milateri bixiso, sidoo kalena si weerarka uu u guuleysto.
Kadib bilooyin dood iyo isqabqabsi ah oo gudaha ah, Trump wuxuu go’aansaday inuu raadiyo wadahadal lala yeesho Iran halkii uu taageeri lahaa tallaabo milateri.
Sabtidii, Mareykanka iyo Iran waxay kulan wadahadal ah ku yeesheen dalka Cumaan, waana markii ugu horreysay oo labadan waddan ay wada hadlaan tan iyo markii Trump xukunka qabtay. Labada dhinac waxay ku tilmaameen wadahadalka mid “wanaagsan oo wax dhisaya”.
Wajiga labaad ee wadahadallada ayaa lagu wadaa inuu Sabtida ka qabsoomo magaalada Rome, iyadoo Cumaan ay dhexdhexaadinayso.
Isla arrimahan, Wasiira Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araqchi, ayaa magaalada Tehran kula kulmay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomikada (IAEA), Rafael Grossi.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran waxay sheegtay Arbacadii in Araqchi uu adkeeyay in Hay’adda IAEA ay si xirfadaysan iyo farsamo ahaan u gudato waajibaadkeeda iyadoo aanay saamayn ku yeelan cadaadis aan caddaalad ahayn oo uga yimaada qaar ka mid ah dhinacyada.
Araqchi wuxuu ugu baaqay Hay’ada in ay si cad oo hufan uga hadasho hanjabaadaha lagu hayo xarumaha nukliyeerka ee Iran. Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee hay’ada IAEA, Grossi, wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ay sii socodaan wada shaqaynta iyo isdhexgalka u dhexeeya Hay’adda iyo Iran.
Grossi wuxuu sidoo kale muujiyay muhiimadda la-tashiga lala yeesho dhinacyada kale si loo abuuro jawi ku habboon oo lagu xallin karo khilaafaadka jira. Wuxuu soo dhoweeyay wadahadallada dadban ee u dhexeeya Tehran iyo Washington, isagoo muujiyay in IAEA ay taageersan tahay wadahadalladaas illaa laga gaarayo natiijo wanaagsan.
HBN ONLINE TV