Trump oo hadallo meel ka dhac ah markale ku weeraray Soomaalida dalkiisa ku nool

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale hadallo dhaliil iyo eedeyn isugu jira u jeediyay dalka Soomaaliya iyo dadkiisa, xilli uu saxiixayay sharci fulineed oo la xiriira wax isdaba-marinta guud ahaan Maraykanka.

Trump ayaa sheegay in musuqmaasuq uu ka jiro gobolka Minnesota—uuna si weyn ula xiriiro Soomaalida sida uu ku dooday, inkasta oo uusan soo bandhigin caddeymo rasmi ah oo arrintaas taageeraya.

Sidoo kale, Wuxuu eedeyn u jeediyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Ilhan Cumar, isaga oo sheegay inay ku lug leeyihiin waa sida uu hadalka u dhiagye arrimahaasi.

Hadaladiisa ayuu ku yiri ‘’Markaad eegto khiyaanada Minnesota, wax badan oo ka mid ah waxay la xiriiraan Soomaaliya. Qofna si toos ah qof uma eedaynayo, laakiin qayb badan waxay ku saabsan tahay Soomaaliya. Waxaan aaminsanahay in guddoomiyaha gobolka uu ku lug leeyahay, waxaan aaminsanahay in Ilhan Omar ay ku lug leedahay, waxaan aaminsanahay in xeer-ilaaliyaha guud ee gobolka uu ku lug leeyahay. Haddii ay sidaas tahay, waxaan rajaynayaa inaad ogaan doontaan oo aad samayn doontaan wixii ku haboon,”

Trump ayaa sidoo kale sheegay in haddii la xakameeyo waxa uu ku tilmaamay “khiyaanada” ka jirta dalka, ay fududaan lahayd in la helo miisaaniyad dheellitiran.
“Haddii aan helno xitaa kala bar khiyaanada ka socota dalka, miisaaniyad dheellitiran ayaan si fudud u heli lahayn. Tuugnimadu waa mid aan la rumaysan karin.”

Dhinaca kale, wuxuu hadallo kale oo muran dhaliyay ka sheegay Soomaalida ku nool Maraykanka, isaga oo ku eedeeyay inay helaan hanti iyaga oo aan haysan dhaqaale hore, islamarkaana sheegay in lacag badan laga saaro garoomada diyaaradaha ee gobolka Minnesota.

Hadaladan ayaa imaanaya iyadoo horey Trump dhowr jeer u dhaliilay bulshada Soomaalida ee ku nool Maraykanka, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Minnesota, inkastoo eedeymo badan oo uu jeediyay aysan lahayn caddeyn rasmi ah .

Ilaa hadda, ma jiro wax jawaab rasmi ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta uu magacaabay ee ku aaddan hadalladan cusub.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed