Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in la masaafuriyo “qof walba” oo Soomaali ah oo ku nool Mareykanka, oo ay ku jirto Xildhibaan Ilhan Omar. Trump ayaa ku eedeeyay Ilhan Omar iyo qaar ka mid ah Soomaalida Mareykanka ku nool inay ku lug leeyihiin sida uu ku dooday lacag lunsi iyo khiyaano.
Trump ayaa ku andacooday in Soomaalida, oo uu ku tilmaamay “burcad-badeed,” ay lacag ka xadaan canshuur-bixiyeyaasha Mareykanka, isagoo xusay in qof kasta oo arrintaas ku lug leh laga saaro dalka.
Sidoo kale, Trump ayaa sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Minnesota, Tim Walz, uu mas’uul ka noqon doono bixinta kharashaadka la xiriira arrintan, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in dowladda federaalku aysan wax maalgelin ah siin doonin gobollada Minnesota, California, iyo Illinois.
HBN ONLINE TV

