Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 173 muwaadin Soomaali ah, kuwaas oo intooda badan ah dhalinyaro ku xirnaa xabsiyo sharci-darro ah oo ku yaalla dalka Liibiya. Tani ayaa noqotay tii ugu badnayd ee hal mar dalka lagu soo celiyo.
Muwaadiniintan ayaa laga soo dejiyey garoomada Muqdisho iyo Hargeysa, waxaana kan Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka, mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo madaxda Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan soo celinta muhaajiriinta iyo xuquuqda carruurta.
Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay in ay waqti iyo dadaal ku bixiso soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibban dalalka shisheeye. Soo celinta ayaa waxaa ka taageeray Midowga Yurub iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM), oo hore uga qayb qaadatay dufcooyin kale.
Waxaa la xaqiijiyay in 22 qof laga dejiyey magaalada Hargeysa, halka 151 kalena lagu reebay Muqdisho. IOM ayaa tallaabadan ku tilmaantay mid muhiim ah oo badbaado iyo rajo u horseedaysa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibban xabsiyada Liibiya.
Mid ka mid ah dad la soo celiyay oo gabar ah ayaa sheegtay xaalado adag ay ku soo mareen xabsiyada Liibiya, iyadoo tilmaantay in dadka halkaas ku dhinta kalyaha laga gurto, kuwa kalena ay la ildaran yihiin gaajo iyo silic joogto ah. “Liibiya nolol ma jirto, Alle ayaa naga soo waday,” ayay tiri.
Tahriibayaasha Soomaaliyeed ee Liibiya u socdaalaya ayaa inta badan wajahaan, xarig sharci-darro ah iyo jirdil, madax-furasho lacageed oo qoysaskooda lagu cadaadiyo & halista bad-mareenka, taasoo sanad walba sababta dhimashada boqollaal qof.
HBN O NLINE TV