Dalal badan iyo ururo caalami ah ayaa si cad uga hor yimid aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland , iyagoo ku adkeystay in Somaliland weli ka mid tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay tallaabadan, iyadoo golaha wasiirradu ku tilmaameen “weerar ula kac ah oo lagu qaaday soo midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee dalka”. Soomaaliya waxay ku adkaysatay in midnimada dalka aan wax gorgortan ah laga geli karin, islamarkaana aqoonsiga Israa’iil uu yahay mid sharci-darro ah.
Dalal badan oo Afrikaan ah—oo ay ka mid yihiin Jabuuti, Masar, Eritrea, Sudan, Liibiya, Nigeria, Aljeeriya, Gambia iyo kuwo kale—ayaa si wadajir ah u diiday aqoonsiga Israa’iil, qaarna waxay ku tilmaameen faragelin toos ah oo khatar ku ah xasilloonida Geeska Afrika. Wasiirrada arrimaha dibadda ee Masar, Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale wada-tashi taleefoon ku yeeshay arrintan.
Sidoo kale, dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka intooda badan—oo ay ka mid yihiin Sacuudi Carabiya, Qatar, Jordan, Kuwait, Ciraaq, Indonesia, Pakistan iyo Maamulka Falastiiniyiinta—ayaa taageeray mowqifka Soomaaliya. Waxay ku doodeen in aqoonsiga Somaliland uu jebinayo mabda’a Qaramada Midoobay ee ilaalinta xuduudaha Afrika xilligii gobannimada, isla markaana uu abuuri karo xasillooni-darro siyaasadeed iyo amni.
Dalal waaweyn sida Turkiga iyo Shiinaha ayaa si cad u muujiyay taageeradooda midnimada Soomaaliya, iyagoo diiday aqoonsi hal-dhinac ah iyo faragelin dibadeed.
Dhanka kale, Ururada Midowga Afrika iyo IGAD ayaa iyaguna ku adkeystay in xal kasta oo Somaliland ku saabsan uu ku yimaado wada-hadal ay Soomaalidu isla oggol yihiin, iyagoo ka digay cawaaqibka aqoonsi aan heshiis caalami ah ka iman.
Ugu dambayn, Jaamacadda Carabta, OIC, Midowga Yurub iyo dalal ay ka mid tahay Sweden ayaa cambaareeyay tallaabada Israa’iil, halka Mareykanku uusan weli aqoonsi muujin. Isku soo wada duuboo, falcelintan ballaaran ayaa muujisay in diidmada aqoonsiga Somaliland ay noqotay qodob ay ku midoobeen dalal aragtiyo kala duwan leh, kuwaas oo ka walaacsan saameynta ay ku yeelan karto xasilloonida gobolka iyo nidaamka caalamiga ah.
HBN ONLINE TV

