Tchouameni oo ay doonayaan Arsenal iyo Liverpool xagaaga haddana Real Madrid ayaa ka fakareysa qorshe kale

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay u cadaysay kooxaha xiisaynaya Aurelien Tchouameni in ayna jirin fursad uu xiddiga khadka dhexe uga tagi karo kooxda.
23-sano jirkaan ayaa qaab ciyaareedkiisa wacnaa ee Monaco u horseeday in saxiixiisa ay isku dhacaan xagaagii 2022, wuxuu mid  Real Madrid ay ku guuleysatay tartanka, iyadoo xiddiga reer France uu qalinka ku duugay heshiis lix sano ah oo uu ku joogayo Bernabeu.

Tchouameni ayaa 50 kulan u saftay Los Blancos ololihiisii ​​ugu horeeyay ee kooxda, laakiin waxaa jiray warar la isla dhexmarayay oo ku saabsan mustaqbalkiisa sababo la xiriira qaab ciyaareed liita.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ahaa ciyaaryahan muhiim u ah kooxda Carlo Ancelotti xilli ciyaareedkii 2023-24, isagoo u saftay 14 kulan tartamada oo dhan isagoo khadka dhexe ah.

Tchouameni ayaa inta badan qeyb ka ahaa seddexda khadka dhexe ee Federico Valverde iyo Eduardo Camavinga. Warbixin dhawaan soo baxday ayaa lagu sheegay in Arsenal ay Tchouameni ka dhigatay bartilmaameedkooda ugu horeeya xagaaga soo socda, iyagoo u arka inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiican ee kala shaqeeya Declan Rice khadka dhexe.

Sida laga soo xigtay 90min, Real Madrid ‘ma laha wax niyad ah’ oo ay ku fasaxaan da’yarkii hore ee Monaco, iyaga oo u arka qayb muhiim ah oo ka mid ah qorshahooda hadda iyo mustaqbalka labadaba.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Los Blancos ay wadahadalo la fureyso Tchouameni oo ku saabsan qandaraas cusub oo la wanaajiyey sanadka soo socda, waxaana la rumeysan yahay in ciyaaryahanka khadka dhexe uusan wax niyad ah u qabin inuu baxo.

Dhanka kale Liverpool ayaa muddo dheer xiiseyneysay xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska, waxaana la rumeysan yahay inay la xiriirtay Real Madrid horaantii sanadkan si ay u go’aamiyaan haddii ciyaaryahanka khadka dhexe uu heli karo xagaaga.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed