Tartankii kubada cagta maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo maanta dib loo bilaabayo

Tartanka kubadda cagta ee u dhaxeeya dowlad goboleedyada dalka iyo sidoo kale gobolka Banaadir ayaa maanta dib uga furmaya garoonka kubadda cagta ee Muqdisho. Dib u soo nooleynta tartankan ayaa timid kadib markii uu hakad ku jiray in ka badan 7-maalmood, kadib markii la isku khilaafay qaban qaabada iyo ka bixitaanka kooxda Koonfur Galbeed.

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay, isagoo xaqiijiyay go’aanka dib u bilaabashada tartanka. Tani waxay astaan ​​weyn u tahay dadka xiiseeya kubbadda cagta iyo ciyaartoyda oo si dulqaad leh u sugayay soo noqoshada dhacdadan isboorti ee muddada  hakadka ku jirtay.

Joojinta tartanka ayaa ka dambeysay kadib markii la isku afgaran waayay qabanqaabada iyo ka bixista kooxda Koonfur Galbeed.
Shir ay yeesheen guddiga fulinta xiriirka kubadda cagta Soomaaliya iyo xiriirka kubadda cagta ee maamul goboleedyada ayaa lagu go’aamiyay in maanta dib loo bilaabo tartanka.

Hirshabeelle oo ka mid ah dowlad goboleedyada ka qeyb galaya tartanka ayaa maanta la filayaa in ay garoonka soo galaan si ay u helaan seddex dhibcood oo Free ah ama bilaash maaddaama  ay ka maqan yihiin xulka Koonfur Galbeed oo ka gaabsaday in ay dib ugu soo laabtaan tartanka.

Taageerayaasha ayaa isku diyaarinaya in ay goob joog ka noqdaan ciyaaro aad u xiiso badan oo ay ku tartamayaan xulalka gobolada iyo gobolka Banaadir si ay u helaan guul iyo han gobol.

HBN SPORYS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed