13 muhaajiriin Itoobiyaan ah ayaa dhintay, 14 kalena waa la la’yahay ka dib markii ay dooni ay la socdeen ku degtay gobolka Ticis ee dalka Yemen, khamiistii ina dhaafnay, sid ay sheegtay Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM).
Doontan oo ka soo ambabaxay dalka Jabuuti ayaa waxaa la socday 25 tahriibayaal Itoobiyaan ah iyo labo shaqaale oo Yemen u dhashay, waxaana la sheegay in doonida ay kula qalibantay meel ku dhow degmada Bani Al-Xakam, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobiyey.
Dadka dhintay ayaa isugu jiray 11 rag ah iyo labo dumar ah, kuwaas oo meydadkooda laga soo saaray xeebta Bab-al-Mandab oo u dhow Al-Shuura ee degmada Dubab. Hay’adda IOM ayaa sheegtay in ilaa hadda aan la ogeyn sababta ka dambeysay dhacdadaan, waxaana socda dadaalo lagu baadigoobayo dad la la’yahay oo ay ku jiraan Kabtanka doonta iyo kaaliyihiisa.
“Masiibadani waxay muujinaysaa khatarta joogtada ah ee soogalootiga ay ku wajahayaan waddadan,” ayuu yiri Matt Huber, Ku simaha Madaxa IOM ee Yemen. Huber waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay dadaalada wadajirka ah ee looga hortagayo shilalka noocaan oo kale ah iyo ilaalinta muhaajiriinta u nugul.
Dhacdadan ayaa ah tii ugu dambaysay ee musiibo isdaba joog ah oo ay la kulmaan tahriibayaal Itoobiyaan ah. Bishii Luulyo ee sanadkaan, doon ku qalibantay xeebaha Yemen ayaa sababay dhimashada 12 muhaajiriin Itoobiyaan ah, iyada oo afar kalena la la’yahay.
Bishii Juun, doon kale ayaa ku degtay xeebaha Yemen, taas oo keentay dhimashada 38 qof iyo ku dhawaad 100 qof oo aan la ogeyn halka ay ku dambeeyaan.
HBN ONLINE TV

