Marka ay soo dhowaato Doorashada Soomaaliya, waxaa abuurma jawi ka duwan marxaladihii siyaasadda ee lagu jiray. Waxaa kuwa rejada siyaasadda leh ku abuurma qofnimo cusub, musharrax kursi rabaa wuxuu ku jilbo murxaa tuugmo iyo is dhul dhigid. Mas’uulka doorashada gacanta loo geliyo wuxuu noqdo mid saf loo galo aragtidiisa. Waxaa abuurrma xasarad, iyadoo ay waxaan oo dhan sabab u tahay runta la qabo ee ah in ay dhici doonto doorasho ku salaysan boob, laaluush iyo hadba qofkasta in uu wax ku heli karo awooddiisu inta ay gaarto.
Si kooban, xaalka siyaasadda dalku taagan yahay waa, dowladda Soomaaliya ee madaxweyne Xasan Sheekh hogaaminayo, waxa ay bedeshay qodobbo ka mid ah dastuurka. Waxaa kale oo dowladdu ay dhistay Guddi Doorasho.
Labadan talaabo waxaa ka hor yimid, Madasha Samatabixinta Soomaaliya iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada (Puntland iyo Jubbaland).
Sidoo kale, Dowladdu waxa ay diyaarisay nidaam qalab casriya oo lagu samaynayo diwaan gelinta codbixiyayaasha iyo in qalabka lagu codeeyo, natiijada lagula socdo. Mucaradka iyo maamul goboleedyada qaarkood waa diidan yihiin hanaankan iyo galabka.
Dhinaca kale, waxaa jira talaabooyin u muuqda in ay midaynayaan dowladda iyo isbahaysiga Samatabixinta Soomaaliya, labadan dhinac waxa ay isku si u diidan yihiin in dib loogu noqdo doorashadii dadbanayd ee dalka ka dhacday 2021 – 2022.
Walaaca dowladda iyo Isbahaysiga Samata Bixinta Soomaaliya ay ku diidan yihiin, in doorashadii la soo dhaafay oo kale dib loogu noqdo waxaa ugu weyn, in mar kale awooddii doorashada ay gacanta u gasho madaxda maamul goboleedyada, dowladda iyo mucaradkuna ay marti ka noqdaan, dantuna ku khasabto in iyaga oo baryootamaya ay safaf u galaan meelaha ay degan yihiin madaxda maamul goboleedyada.
Marka ay halkan joogto, Isbahaysiga Samata Bixinta Soomaaliyeed, waxa ay xalka ka raadinayaan in ay dowladda kala shaqeeyaan wixii kale ee hanaan doorasho ee lagu bedelan karo, oo aan marna gacanta u gelinaynin awoodda doorashada madaxda maamul goboleedyada.
Qodobkaani wuxuu noqon doonaa kan ugu adag ee curyaamin doona, marka wada hadaladda doorashada la isugu yimaaddo, waxaana faa’iido ka helaya dowladda oo fursad ay xukunka ku sii dheeraysato ka heli doonta.
Maamul Goboleedyada iyo Doorashada
Madaxda Maamul goboleedyada waxa ay ka siman yihiin in in lagu noqdo doorashadii dadbanayd oo la mid ah tii dhacday 2021- 2022, ayna gacantooda gasho go’aanka iyo cidda kursiga la siinayo.
Inkasta oo Madaxda maamul goboleedyadu aragtida kore ka midaysan yihiin, haddana waa laba qaybood oo aan ku kala saarayo B iyo T.
Qayb B, waxa ay kuraasta iyo doorashada ka dhex arkaan dano siyaasadeed, qaybta B, waa kuwa dadaal badan ku bixinaya in heshiiska doorashadu noqdo mid ay go’aanka leeyihiin, waxa ay muhiim u arkaan, sidii ay uga aarsan lahaayeen kuwa ay iska soo horjeedaan, ku ballan furay doorashooyinkii hore iyo in ay is dhaafiyaan xubno Jinigoodu nacay, oo ay u qabaan ciil gaamuray, oo ay rabaan in ay siyaasadda ka saaraan.
Waxa kale oo Maamulada qaybta B ka leeyihiin doorashada dano, oo ah in ay keensadaan xildhibaanno aan marna yeelan karin go’aammo iyaga ka madax banaan, ujeedkana waa in ay talada dalka ku qabsadaan.
Qaybta T ee ka mid ah Madaxa maamul goboleedyada, wax aragti siyaasadeed ah kama lahan doorashada, doonistoodu waxa ay salka ku haysaa dano dhaqaale iyo in ay lacag badan ay ku gurtaan jeebabkooda hoosta hoose u sii qodan, lacagtaasi oo ay doonayaan in ay ka urursadaan dadka kuraasta doonaya.
Damacooda dhaqaale ayaa keena in go’aamada awoodda doorashada lagu maroorsanayo ee ay keenaan qaybta B ay iska daba galaan, waana sababta isku aragti loo noqday.
Madaxda maamul goboleedyadu waxa ay doorashadii hore ku guulaysteen in wax kasta gacantooda galaan, iyagoo isticmaalaya cadaadiska awooddii golihii mucaradka ee Badbaado Qaran ee Muqdisho ka samaysmay.
Waxase is weydin mudan golaha Samatabixinta Soomaaliya ee hadda ka dhismay Muqdisho, mar kale ma siin doonaan madaxda maamul goboleedyada fursad la mid ah tii Badbaado Qaran oo kale?.
Waxaa jira oo saaxadda siyaasadda soo koray maamulka SSC-Khaatumo, wax xog ah oo aan ka sheegno ma jirto, maadaama aysan qayb ka ahayn taariikhihii doorasho ee soo dhacday, waase loo joogaa madaxda maamulkaasi halka ay mari doonaan marka doorasho ay ka dhacdo deegaankaasi.
Doorashada noocee ah ayaa qabsoomi karta?
In la qiyaaso nooca doorasho ee dalka ka dhici karta waa suurto gal, waayo xariiqda ay ku dhex wareegayso siyaasadda dalku ayaa ah mid la odorosi karo.
Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud waxay riixaysaa hanaan doorasho qof iyo cod ah, waxaase cad in aysan qabsoomayn, sababahan soo socda dartood:-
- Guddiga doorashada ee dowladda dhistay waxaa loo arkaa Guddi aan dhexdhexaad ahayn, oo dowladda ay soo magacaabatay xubnihiisa.
- Nidaamka iyo qalabka doorashada ay dowladda u soo gadday oo aan la aqoon wuxuu yahay iyo cidda maamulkiisa haysa.
- Farsamada iyo wakhtiga ay u baahan tahay in la qabto doorasho qof iyo cod kuma filna wakhtiga dowladda u haray.
Qorshaha dowladda ee doorashada qof iyo cod wuxuu ku fuli kara, haddii qodobadan soo socda la sameeyo, ayna dhinacyada ka soo horjeeda dowladda ku raacaan:-
- In la dhiso guddi cusub oo doorasho oo ka madax banaan dhammaan siyaasiyiinta talada dalka haysa.
- Qalabka iyo mashiinada diwaan gelinta ee doorashada lagu gelayo, waa in furayaashiisa ay hayaan guddiga la isku raacsan yahay. Iyadoo dhinacyada siyaasadda ku wada jira ay si furan ula wada socon karaan daah-furnaanta qalabka iyo natiijadiisa.
- Marka qodobka (1 iyo 2) la fuliyo, waxaa dowladdu u baahan tahay, wakhti dheeraad ah oo dhinacyada siyaasaddu isla ogolaadaan, si doorashada loo qabto.
- Iyadoo la raacayo qoondadii wax qaybsiga qabiilka, in degmo kasta oo dalka ka tirsan oo amni ah ay doorasho ka dhicdo, oo xildhibaan kasta degmadiisa ka doonto cod, iyadoo la diwaan gelinayo dadka degmadaasi ku nool oo ay u codaynayaan tartame kasta.
Haddii talaabooyinkan doorasho qof iyo cod aysan hirgeli karin, waxaa dantu noqon doontaa in loo noqdo doorasho dadban,waase in gebi ahaanba laga madax baneeyo madax maamul goboleedyada, bedelkeedna awoodda la siiyo madaxda qabaa’ilka ee rasmiga ah ee la isla yaqaan.
Soo jeedintayda waxaan u cuskanayaa, markasta oo qabaa’ilku yeeshaan awoodda doorashada, waxaa dhinmaysa faragelinta ka imaan karta madaxda maamul goboleedyada.
Isimka dhaqanku wixii uu khaldo waxay leedahay nidaam dhaqan oo loogu xisaabiyo, iyo xeer qabiil oo loo dhigto.
Waxa jirta doodo ay ka keenaan madaxda maamul goboleedyadu, taas oo ay danta ka leeyihiin tahay in ay ka hor tagaan awoodsiinta madaxda dhaqanka. Madaxda maamul goboleedyadu waxa ay abuuraan dacaayado ay ku sheegeen, in baarlamaanka ay soo geli karaan xubno ka tirsan ururka Al-shabab, iyagoo soo dhex maraya madaxda dhaqanka.
Dooddani waa tii u fududaysay in doorashadu gasho gacanta madaxda maamul goboleeyada, mana ahan dood sax ah, oo qofka xildhibaan noqonaya waa qof la hubin karo taariikhdiisa, marka loo eego ururka Al-shabaab oo hadda wakhti badan dalka ka jiray.
Gunaanad:
Doorashadu waa tiir muhiim u ah xasiloonida dalku, haddii doorashadu cadaalad iyo tartan furan noqoto, waxa ay abuurtaa in ay dadka isu soo dhoweyso, rejo iyo in la aamino dowladda ku soo baxday natiijada doorashada hufan.
Mucarad iyo dowlad waa in laga hor tago in doorashadu ay gacanta u gasho qof iyo koox gaar ah. Haddiise ay markale dhacdo, waxa ay abuuri doonta nacayb iyo cadaawad sii daba dheeraata, hakadna gelisa horu socodka siyaasadda dalka iyo ugu danbayn in la noco nidaamka dowliga ah.
W/Q: Maxamed Xasan Cirro
Guddoomiyihii hore ee Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya
AFEEF: Aragtida & macluumaadka qoraalku xambaarsan yahay waxay u gaartay qoraha, kama turjumayso aragtida Horn Broadcasting Network (HBN)