Taliyihii Xabsiga dhexe oo si ku meel gaar ah shaqada looga fadhiisiyey iyadaoo guddi baaris la magacaabay

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen. Mahad Cabdiraxman Aadan ayaa shaqada si kumeel gaar ah uga joojiyey Sareeye guuto Daahir Cabdulle Raagge taliyihii Xabsiga Dhaxe ee Xamar, isaga oo si meel gaar ah ugu magacaabay Taliye cusub oo sii hayn doona shaqada Xabsiga Dhexe.

Warka ayaa lagu sheegay in shaqada uu ka fadhi doono inta baaristu socoto taliyihii xabsiga dhexe ee Xamar, waxaana taliyaha cusub oo lagu magacaabo Gen. Maxamed Xuseen Axmed uu sii qaba doonaa maamulka Xabsiga dhexe ee Xaamar.

Sida oo kale Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa magacabay gudi ka kala socda Booliska, Asluubta iyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, si baaris ugu sameeyaan dhacdadii dadka badan ku dhinteen ee Xabsiga Dhexe, ayna maanta shaqada bilaabeen, wixii soo baxana ay lala soo wadaagi doono shacabka Soomaaliyeed.

Weerarkii ka dhacay Xabsiga dhexe ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay geysteen xubno Alshabaab ah oo dil ku xukunnaa, kuna xirnaa Xabsiga, waxaana ugu dambeyn lagu dilay xabsiga dhexe ee Xamar.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed