Taliyihii hore ee ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan oo bixiyay xog xasaasi ah.

Taliyihii hore ee ciidamada Illaalada Kacaanka Iiraan ee magacooda loo soo gaabiyo IRGC Maxamed Cali Jacfari ayaa sheegay in Israel ay u badan tahay inaysan sameyn doonin “weerar weyn” oo ka dhan ah Tehran, laakiin ay qaadi karto “weerar xaddidan ama kooban.”

Israa’iil ayaa la rumeysan yahay inay qorsheyneyso inay jawaab adag ka bixiso weerarkii gantaalada ee Iran ee 1-dii bishan October ay la beegsatay xarumaha military-ga & kuwa xasaasiga ah.

“Israa’iil aad bay u awood yar tahay inay weerarto Iran, In kasta oo laga yaabo inay qaaddo weerar quus ah, oo xaddidan oo ah mid yar oo kaliya si ay u sheegto inay ka jawaabtay weerarkii lagu soo qaaday, haddana hubaal ma qaadi doonto weerar la mid ah mid kii aan samaynay” ayuu yiri Jacfari.

Taliyihii hore ee ciidamada Illaalada Kacaanka Iiraan ee magacooda loo soo gaabiyo IRGC Maxamed Cali Jacfari ayaa intaa ku daray in jawaabta Iran ay ku xirnaan doonto inta uu la egyahay weerarka Israel, haddii Israel ay qaado weerar weynna Iiraan waxay uga jawaabi doontaa mid ka balaaran kii ay Israa’iil ku qaaday hortaantii bishan. Jafari waxa uu taliye ka ahaa IRGC intii u dhaxeysay sanadihii 2007 ilaa 2019.

Israa’iil ayaa ku adkaysanaysa in ay si adag uga jawaabi doonto weerarkii Iiran, iyadoo dhanka kale Iiraan ay uga digayso dalalka dariskeeda ah inaysan ogolaan in saldhigyada ku yaal looga soo duulo, iyada oo sheegtay in haddii taasi ay dhacdo ay si adag uga jawaabi doonto.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed