Taliyaha cusub ee Howlgalka Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), General Dagvin Anderson, ayaa booqashadiisii ugu horreysay ku yimid Soomaaliya, isagoo kulamo la qaatay hoggaamiyeyaasha Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) si loo xoojiyo iskaashiga ay la leeyihiin Mareykanka ee la dagaalanka kooxaha Alshabaab iyo Daacish.
Intii uu socday kulankooda, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, El-Hadj Ibrahima Diene, Taliyaha ku-xigeenka Ciidamada, iyo saraakiil kale ayaa adkeeyay in iskaashiga iyo qaadashada mas’uuliyadda wadamada ay ka qaybqaadato howlgallada door muhiim ah oo lagama maarmaan u ah guusha dagaalka lagula jiro waxa loogu yeero argagixisada.
General Anderson wuxuu sidoo kale xusay in inkastoo Mareykanka uu bixiyo taageero ballaaran oo dhinacyo badan leh, haddana ay yihiin ciidamada Afrikaanka ah kuwa gacanta ku haya howlgallada dagaalka tooska ah ee lagula jiro waxa uu ku sheegay cadowga.
Taliyaha cusub ee dhawaan loo magacaabay Holwgalka Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa bilaabay kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo saraakiisha sar sare ee wadamada iyo qaramada, isaga oo kala hadlaya xaaladda la dagaallanka argagxisadda qaaradda oo la tilmaamay in 10-kii sano ee lasoo dhaafay ay weeraradoodu sababeen dhamashada kumanaan ruux.
HBN ONLINE TV