Taliyaha Ciidanka deegaanka ee Macawsleyda, Cali Jeyte Cismaan ayaa Al-Shabaab ku eedeeyay in ay soo abaabuleen dagaal beeleed maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay Xadka ay wadaagaan Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Jeyte oo ka mid ahaa saraakiishii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u dirtay xal u helida colaadaasi, ayaa sheegay in maleeshiyooyinka beelaha walaalaha ah ay wadaagaan hal cadow oo ah Al-Shabaab, isla markaana loo baahan yahay in iyaga iska xoreyaan, intii ay dagaallami lahaayeen.
“Dhallinyarada waxaan ka codsanayaa inay ii ogolaadaan inaan qayb ka noqdo dagaalka lagula jiro Khawaarijta, waa inaan u midowno dagaalkan,” ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan.
Dagaaladan ayaa u dhaxeeya maleeshiyaad kasoo kala jeeda beesha Xawaadle iyo Abgaal oo ku dagaalamay deegaano ka tirsan degmooyinka Moqokori iyo Aadan Yabaal.
Dagaal beeleedyadii ugu dambeeyay ayaa inta badan ku fiday xadka ay wadaagaan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan degmooyinka Jalalaqsi, Moqokori, Mahadaay, iyo Aadan Yabaal.
HBN NEWS DESK