Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la kulmay Culumaa’udiinka si kor loogu qaado wada shaqeynta bulshada

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Sulub Axmed Firin, ayaa  kulan la qaatay Culima’udiinka Soomaaliyeed, isagoo kala hadlay sidii bulshada loogu wacyigelin lahaa wada shaqeynta Booliska iyo Culumaa’udiinka.
Intii uu socday kulanka ayaa qaar ka mid ah aqoonyahannada ayaa bogaadiyay dadaalka ay ciidamada boolisku ku hayaan dhalinyarada dhaqan xumada ah ee baraha bulshada ku faafiya.

Todobaadki hore ayay aheyd markii ciidamada booliska Soomaaliya ay xireen 21 qof oo baraha bulshada saameyn ku yeeshay, kuwaasoo isugu jiray rag iyo dumar, kuwaasoo lagu eedeeyay inay baraha bulshada ku faafiyeen aflagaado qabyaaladeed iyo “dhaqan xun”.

Booliisku waxay ku andacoonayaan in dadka saamaynta ku leh ay bulshada ka dhex keeneen fowdo iyo kicin bulsho. Inta badan dadka la qabtay ayaa weli ku jira xabsiga, iyagoo sugaya dacwadaha maxkamadda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed