Taliyaha Ciidamada Booliska oo go’aamo adag ka soo saaray shirka maanta

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ee Taliska Boliiska kaas oo ka ka dhacay Xarunta Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, isaga oo faray saraakiisha adkeynta Amniga Muqdisho.

Shirkan oo ay ka qeybgaleen Taliyaasha hoggaanada,Fadhiyada Madax banaan iyo Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir ayaa waxaa diiradda lagu saaray sida la sheegay dardar galinta shaqada Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo ladagaallanka Alshabaab.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa saraakiisha faray in la dardargaliyo shaqada amniga dalka iyo kan caasimadda, si loo ilaaliyo nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waa markii ugu horeysay tan iyo sidii xilka loogu wareejiyey taliyaha oo uu shirkan guddoomiyo booliska Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed