Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed General Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa booqasho ku tagay dalka Talyaaniga. Booqashadan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, iyadoo taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo taliyaha ciidamada Talyaaniga ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal.
Intii ay socotay munaasabadda ayaa waxaa wafdiga uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin, waxaana goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Milatariga Talyaaniga Admiral Giuseppe Cavo Dragone. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado dhinacyo kala duwan sida tababarrada ciidamada, xog wadaagga iyo howlgallada wadajirka ah.
Munaasabadda kadib ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Xoogga dalka Talyaaniga Admiral Giuseppe Cavo, kuwaasi oo ka warbixiyay dib u habeynta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Dowladda Talyaaniga ayaa ballan qaaday inay si buuxda u taageeri doonto hanaanka dib u habeynta, iyadoo carabka ku adkeysay muhiimada ay leedahay casriyeynta iyo tayeynta ciidamada Milatariga Soomaaliya si loo xaqiijiyo amniga iyo xasiloonida gobolka.
Booqashada taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed uu ku tagay dalka Talyaaniga ayaa muujineysa xoojinta xiriirka labada dal iyo sida ay uga go’an tahay in si wadajir ah wax looga qabto caqabadaha amniga guud.
Wada-hadalladan ayaa la filayaa in muddadaas ay u gogol xaaraan sidii loo kordhin lahaa iskaashiga iyo wadashaqeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Iyadoo xaalada amaan ee Soomaaliya ay tahay mid soo hagaageysa ayaa hadana taageerada saaxiibada caalamka sida Talyaaniga waxa ay muhiim u tahay in dowlada Soomaaliya ay ka caawiso sidii ay u dhisi lahayd ciidan awood leh oo hanan kara nabada iyo xasiloonida dalka.
HBN NEWS DESK