Taliyaha ciidanka Dhulka Sareeye Guute Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa sheegay in eedeeysanayaal ku eedeeysan dhacdadii dilka iyo gubista ahayd ee ka dhacday aagga Wanlaweyn in eedeysanayaal gacanta lagu soo dhigay isla markaasian lagu wareejiyay laamaha caddaalada.
“Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed waxa uu aad uga xun yahay falkii bahalnimada ahaa ee lagu dilay marxuum Isaaq Daa’uud Maxamed laguna gubay taariikhdu markii ay ahayd 7/11/2025” ayuu yiri Taliyaha oo intaasi ku daray in Falkaasi uu ka dhacay deegaanka Dundumaayee degamada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in falkaasi aanu ahayn mid ku banaan diinteena iyo dhaqankeena midna. Wuxuu intaasi ku daray in lasoo qabtay seddex edeysane oo lagu tuhmayo in ay geeysteen falkaasi foosha xumaa.
“Seddexdaasi eedeysane waxa isla maantay lagu wareejiyay maxkamadda ciidanka qalabka Sida” ayuu yiri taliyuhu.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha /Hoosee Ibraahim Aden Najax oo warfideeynka la hadlay ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin “ dhacdooyinkii ugubka ahaa ee ka dhacay gobolka Sh/hoose”
HBN ONLINE TV

