Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, oo maanta ku qaabilay magalada Baydhabo wafdi uu hoggaaminayay Taliyaha Kulliyada Tababarka Ciidamada Turkiga ee TURKSOM S/Gaas Sebahattin ayaa looga wadahadlay arimo dhowr ah oo amniga, dib-u-dhiska Ciidanka & taageerada ay dalka siiso.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, tababarrada iyo tayeynta Ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka howlgala deegaannada Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay doorka Dowladda Turkiga ee taageerada dib-u-dhiska Ciidanka Qaranka, kor u qaadista xirfadaha ciidanka iyo adkeynta wada-shaqeyn dhow oo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida guud ee dalka.
Madaxtooyada Koonfur galbeed ayaa sheegtay in Madaxweyne Laftagareen kaga mahadceliyay Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi waara oo lagu xoojinayo nabadda, amniga iyo horumarka dalka.
HBN Online TV

