Taliska Militeriga Soomaaliya oo war ka soo saaray dilka horgaayaashii dagaalka Alshabaab Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka sheegay in ay guulo waa weyn ka gaareen dagaallo adag oo ay la galeen Alshabaab, kadib markii sida ay hadalka u dhigeen ay kaga awood roonaadeen kooxda weerar saf balaaran ah oo ay ku soo qaadeen deegaanno dhowr oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Inta ay socdeen dagaallada oo sababay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah ayaa Ciidanku sheegeen inay ka hortageen sida ay warka u dhigeen kooxda, iyagoo gubay “dhammaan gaadiidkii dagaalka ee ay wateen, halka qaar kalena ay gacanta ku dhigeen”.

Sidoo kale, Waxaa ay carrabaabeen in lagu dagaalka xubno badan oo horjoogayaal iyo maleeshiyaadka kale ah, iyaga oo wada raadinta kooxo ka badbaaday oo ay ku raad joogaan.

“Dagaal-geliyihii guud ee Maleeshiyaadka Alshabaab Xasan Cabdiwaaxid Cabdi Dhicisoow (Xasan Gureey) iyo horjoogayaashii dagaalka u qaabilsanaa oo kala ah Daahir Buuxsade, Khaalid Jiis, Anas iyo Casaam ayaa lagu dilay dagaalka” ayaa lagu yiri bayaanka Raadiyaha ku hadla afka Ciidamada.

Dhanka kale, howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga guud ee gobolada Hirshabeelle, ayaa waxaa wada Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo dadka deegaanka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed