Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka ayaa duqeymo culus ka fuliyay buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno katirsan kooxda Daacish.
Duqeymahan ayaa yimid xilli ay socdaan howlgallo ka dhan ah Daacish oo ay wadaan ciidamada difaaca Puntland.
War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu xaqiijiyay in duqeymahaasi dhaceen 22-ka Diseembar 2025, isla markaana ay ka fuliyeen agagaarka Buuraha Golis, qiyaastii 88 km koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso.
AFRICOM ayaa sheegay in duqeymahaasi lagu beegsaday kooxda ISIS-Somalia, ayna fuliyeen iyagoo la kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Taliska ayaa sidoo kale xusay in Maraykanka, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Xoogga Dalka ay sii wadi doonaan tallaabooyinka lagu wiiqayo awoodda Daacish ee khatar ku ah amniga Soomaaliya, gobolka iyo danaha Maraykanka.
HBN ONLINE TV

