Taliska Ciidamada difaaca Puntland ee joogga jiidda hore ee Bari ayaa gobolka ka bilaabay dhaqdhaqaaqyo ay dadka deegaanka kagala hadlayaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha sugan.
Ciidanka Puntland ee jooga deeganka Timirshe ee degmada Iskushuban ayaa maanta bulshada halkaasi ku dhaqan kala hadlay sidii loo adkeyn lahaa wadashaqeynta ciidanka iyo iyaga ka dhaxeysa.
Agaasime ku xigeenka Ciidamada PMPF ee Puntland Maxamuud Silaal Cumar ayaa shacabka uu la hadlay ku booriyey in ehelada kaga jirta kooxaha ay duulaanka ku yihiin ay u sheegaan inay ka soo baxaan.
Waxaa uu tilmaamay kooxda Daacish ay cagta mari doonaan maadama uu ay yihiin dad diin aan u socan sida uu hadalka u dhigay oo ay duulaan kuyihiin deegaanka iyo noloshada shucuubta Soomaaliyeed.
Puntland oo dagaal adag kula gashay deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari kooxda Daacish ayaa sheegtay in kooxdii soo weerartay oo dhan ay ahaayeen ajaaniib ka kala yimid in ka badan 4 wadan.
HBN ONLINE TV