Taliska Ciidanka Xoogga ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii ururka 162-aad ee Kumaandooska Danab Gaashaanle Carab Dheeg Axmed oo dhowaan sheegay in darajooyinka ciidanka ay codsadeen dowladda Federaalka ah aanay wax jawaaba ah ka helin.
Taliye Carab oo Warbaahinta la hadlay xiligaas isaga oo cabasho ah ayaa Dhaliilo u gudbiyay Dowladda, waxaana uu sheegay in wakhti adag ay ciidanka uu hoggaamiyo ku soo qaateen deegaannada ay ka howlgallaan ee Jubbaland.
Cabashada Dheeg ayaa ku soo beegantay, iyada oo Dowladda Federaalka ay darajooyin siisay ciidamo isaga soo tagay Jubbaland, kuwaas oo kaga biiray Magaalada Raaskambooni ka dibna loo soo qaaday Muqdisho oo lagu dalacsiiyey.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ugu dambeyn taliye Carab dheeg xilka ka qaaday, halka xilkaas loo magacaabay Caarif Hire Salaad.
Taliska uu hoggaaminayay Carab Dheeg Axmed waxa uu kamid ahaa afarta qeyb ee Saldhigyada waa weyn ee Ciidanka Kumaandooska gaarka u tababaran ee Danab ay ku leeyihiin Koofurta iyo Bartamaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Warkaka soo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in taliyaha xilka laga qaaday uu kaalin mug leh ugu jiray ciidamada ka howgalada deegaannadooda, iyada oo carrabaabay in uu ahaa mid ka mid ah foolaadka la howlgayaasha Ciidamada Jubbaland ee furimaha hore jooga.
HBN ONLINE TV