Taliyaha Ciidanka xooga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Sheikh Muxyadiin ayaa la kulmay Annemarie Van den Berg, oo Qaramada u qaabilsan Waaxda Taageerada Hawlgalinta ee Qaramada Midoobay, iyada kulanka looga hadlay dagaalka Alshabaab iyo howlgalka AUSSOM oo bilaaban doona sanadka soo socda ee 2025-ka.
Waxay kawada hadleen sanduuqa tageerada Ciidamada xoogg dalka ee UNSOS, kala guurka amniga iyo Hawlgallada ka dambeeya ciidamada ATMIS siduu noqon lahaa iyo arimo kale oo muhiim u ah taageerada ciidamada xoogga Dalka.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ibraahim Sheikh Muxyadiin ayaa uga mahad-celiyay UNSOS taageerada saadka iyo tababarada ay siiso Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaa oo kaalin ka qaata dagaalada ka dhan ah Kooxda Alshabaab iyo in ciidamada qaranku helaan saad dagaal oo ku filan.
HBN ONLINE TV

