Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyay in ay fuliyeen duqeymo cirka ah oo ka dhacay deegaannada Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellada Hoose, kuwaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Duqeymahan ayaa la fuliyay iyadoo la kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana la sheegay in ay qayb ka yihiin dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
“Annaga oo kaashaneyna Dowladda Federaalka, waxaan duqeymo qorsheysan ka fulinay deegaanka Sabiib, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay AFRICOM.
Inkasta oo Mareykanku uusan si rasmi ah u shaacin tirada khasaaraha ka dhashay duqeynta, haddana waxa ay ku soo beegmaysaa xilli ciidamada dowladda Soomaaliya ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo militari oo ballaaran oo ka socda gobolka Shabeellada Hoose.
Sidoo kale, saraakiil sare oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneraal Sahal Cabdullaahi ayaa ku sugan aagga Sabiib iyo Caanoole, halkaas oo ay ciidamada Qaranku ku sugan yihiin si ay u xaqiijiyaan amniga deegaannada laga saaray kooxda Alshabaab.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidamadu ay sii wadi doonaan gulufka militari, ayna qorsheynayaan in ay la wareegaan deegaanno hor leh oo ay wali ku sugan yihiin kooxaha argagixisada.
Howlgalladan oo muhiim u ah xasilloonida gobolka, ayaa waxaa ciidamada Soomaaliya ku wehlinaya ciidamada AUSSOM, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda.
HBN ONLINE TV