Taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM), General Michael E. Langley ayaa shaaciyay in kooxda ISIS ay xaruntii ugu weynayd ee howlgaladooda caalamiga ah u wareejiyeen gudaha dalka Soomaaliya, inkastoo uusan soo bandhigin caddeymo uu ku xoojinayo sheegashadiisa.
General Langley ayaawarbixintan ka hor jeediyay Guddiga Adeegyada Ciidanka ee Golaha Senate-ka Mareykanka, isaga oo u soo bandhigayay warbixinta AFRICOM ee sanadkan 2025 & muhiimadda istiraatiijiga ah ee qaaradda Afrika ay u leedahay dowladda Mareykanka, gaar ahaan dhanka amniga iyo siyaasadda caalamiga ah.
Xubnaha guddiga Senate-ka ayuu u sheegay in khatarta kooxaha ISIS ee Afrika ay tahay mid sii kordheysa, isla markaana waxyeello weyn ku keeni karta sida hadalka u dhigay amniga gobolka iyo midka caalamka.
Waxa uu si gaar ah u xusay in ISIS ay hadda ka maamulaan howlgaladooda caalamiga ah gudaha Soomaaliya.
“Afrika waxay weli tahay saaxiib istiraatiiji ah oo dhanka difaaca ah, balse sidoo kale waxay noqotay hoy ay argagixisadu ka faa’iidaystaan duruufaha ka jira qaaradda si ay u koraan ugana dhoofiyaan fikirkooda xagjirka ah,” ayuu yiri Gen. Langley.
Taliyaha ayaa intaas ku daray “Kooxda ISIS waxay ka maamushaa shabakadooda caalamiga ah gudaha Soomaaliya, waxaana haddii aan la xakameynin ay si toos ah saameyn ugu yeelan doonaan gudaha Mareykanka,” ayuu yiri markale Langley.
Langley waxa uu sheegay in AFRICOM ay sii wado dadaallada iskaashiga dhanka amniga, si ay kor ugu qaado awoodda madax-bannaanida howlgal ee dalalka Afrika. Waxa uu xusay in tababarro militari sida FLINTLOCK, AFRICAN LION, iyo OBANGAME EXPRESS ay sare u qaadaan diyaar garowga ciidamada, isfahanka wada-shaqeynta iyo xiriirka xooggan ee dhowr geesoodka ah ee u dhaxeeya Mareykanka iyo wadamada Afrika.
Sidoo kale, warbixinta ayaa tilmaamtay in kooxda ISIS ay caan ka noqotay caalamka sanadkii 2014, ka dib markii dagaalyahannadoodu qabsadeen dhul ballaaran oo ka mid ah waqooyiga galbeed ee Ciraaq iyo bariga Suuriya. Hal sano kadib, kooxdaasi waxa ay lumisay dhammaan dhulkii ay haysteen Bariga Aasiya, taasoo ku qasabtay in ay u wareegaan dhulal fogfog oo ay ka mid tahay qaaradda Afrika.
Taariikhdu markay ahayd 3-dii Luulyo 2024, Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay saddex xubnood oo ka tirsan kooxda ISIS, kuwaas oo ku sugan Soomaaliya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo iyo Mozambique.
Saddexda qof ee la cunaqabateeyay waxaa kamid ah Hamidah Nabagala oo u dhashay Uganda balse ku sugan dalka DRC, iyo laba muwaadin oo u dhashay Koonfur Afrika oo kala ah Abubakar Swalleh iyo Zayd Gangat. Saddexdan qof ayaa lagu eedeeyay in ay fududeeyaan dhaqaalaha iyo maalgelinta howlaha kooxda ISIS ee ka socda qaarada Afrika ee ka hooseeya saxaraha.
Warbixin ay si wadajir ah u soo saareen hay’adaha amniga ee Uganda iyo Mareykanka ayaa lagu sheegay in Hamidah Nabagala uu wax ka fududeeyey weeraradii qaraxyada ahaa ee ka dhacay magaalada Kampala bishii Oktoobar sanadkii 2021, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday baarlamaanka Uganda iyo saldhigga dhexe ee booliska magaaladaas.
Tan iyo bishii Febraayo ee sanadkan, Maraykanka ayaa xoojiyey weerarada ka dhan ah kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ee Soomaaliya, isagoo dhowr jeer sheegay in howlgalladiisa cirka ah in lagu dilay xubno badan oo ajaaniib ISIS ahaa.
HBN ONLINE TV