Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin oo shir jaraa’id ku qabtay Mqudisho ayaa sheegay in amniga caasimadda Soomaaliya laga dhigi doono mid xalisoon oo ka caagan wax hub ah. Ciidamada hubka culus wata ayuu sheegay in laga saari doono magaalada.
Macalin Mahdi ayaa sheegay in go’aankan ay ku suurta gali doonaan sida uu hadalka u dhigay wadashaqeyn adag oo dhexmarta hay’adaha ammaanka Muqdisho oo gacan bir ah isaga qabta kooxaha dhibka sameeya. Waxaa uu tilmaamay in sanadkan Muqdisho ka shaqeyn doonaan inay ka dhigaan mid amnigeedu xasiloonaado.
“Cid kasta oo caqabad ku ah wadashaqeynta hay’adaha ammaanka Muqdisho gacan bir ah ayaan isaga qaba doonaa, sanadkaan waxaan xaqiijin doona in magaaladaan noqoto caasimad xasiloon.” ayuu yiri taliye Mahdi.
Sidoo kale, Taliye Mahdi ayaa carrabka ku dhuftay in magaalada Muqdisho ay ku soo reebi doonaan Booliis wata bastoolad, Bud, Jeebo iyo dharcad, iyada oo ciidamada kale ee hubka iyo dabaabaadka wata la geyn doono duleedka Muqdisho.
Si awaamiirta loo fuliyo ka soo baxday ayuu tilmaamay in laga bilaabi doono isla ciidamada dowladda ee gudaha magaalada ku wata hubka.
Dhanka kale, Doorashdaa la qorsheeyey in dalka ay ka dhacdo ee qof iyo cod ayuu hoosta ka xariiqay inay ballan qaadayaan inay ilaalin doonaan Ciidamada Booliska.
Inkasta oo amar culus uu yahay go’aanka ka soo baxay laamaha ammaanka Soomaaliya, hadda waxaa su’aalo ka soo laabanayaan qodobo is weyntiida mudan oo aan jawaab waafi ah loo heyn.
HBN ONLINE TV