Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa ka hadlay cabasho ay shalay muujiyeen saraakiil ka tirsan Booliska oo sheegay in dhul ay daganaayeen laga rarayo, islamarkaana ganacsato loo wareejinayo.
Asad ayaa si cad u beeniyay wararkaasi, isagoo sheegay in aysan jirin qorshe dhul Booliska laga bixinaayo ama lagu wareejinayo cid gaar ah, balse wuxuu carrabaabay in sababta loo rarayo dadka dhulka dab-damiska ay tahay in dhulka laga dhigo mid dan-guud ah.
“Waxba kama jiraan in ganacsato la siiyay dhulka Dab-damiska. Ilaahay ka cabsada, dhulka Soomaaliya waa baaxad weyn yahay. Dhulka idinkaa idinkugu adeegeynaa, cidna lagama barakicinayo,” ayuu yiri taliye Asad.
Jeneraal Asad ayaa farriin u diray saraakiisha cabashada ka keenay arrintan, isaga oo ugu baaqay in ay dhowraan nidaamka, ayna sugaan caddeyn rasmi ah oo ay ka helayaan Taliska Booliska halkii ay warbaahinta u gudbin lahaayeen
Ugu dambeyn, Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa sheegay in maamulka ciidamada uu diyaar u yahay xalinta tabasho kasta oo sharciyad leh, isla markaana aysan suuragal ahayn in dhul ka mid ah hantida Booliska loo adeegsado dano gaar ah.
Hbn Online Tv

