Taiwan oo shaacisay in Shiinuhu weerar ku soo yahay

Taiwan ayaa soo saartay digniintii ugu xoogganayd ilaa hadda ee ku saabsan suurtagalnimada duullaan kaga yimaada Shiinaha, iyadoo saraakiil sare oo dowladda ka tirsan ay u sheegeen telefishinka Sky News ee fadhigiisu yahay magaalada London in jasiiraddu aysan si buuxda isugu diyaarinin inay keligeed iska difaacdo waxa ay ku sheegeen gardarada Shiinaha.

Digniintan ayaa timid iyadoo si weyn uu u kordhay dhaqdhaqaaqa milatari ee Shiinaha, oo ay ku jiraan tababbarrada rasaas nool, go’doominta badda, iyo weerarro oo lagu tilaamay inay yihiin kuwo ciidamo lagu keenay xeebaha Taiwan.

Wareysi uu siiyay Sky News, Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Taiwan, Wu Chih-chung, waxa uu ku yiri: “Shiinaha wuxuu isu diyaarinayaa inuu ku duullo Taiwan. Dadku waa inaysan noqon kuwo indho la’, Taiwan keligeed, oo wajahayso Shiinaha – weligeen diyaar uma ahaan doonno.”

Hadalladiisu waxay kamid yihiin qirashooyinka tooska ah ee madaxda Taiwan ay ka bixiyeen khatarta degdegga ah ee ka imanaysa Beijing.

Dhinaca kale ciidaamda gurmadka degdegga ah ee Taiwan ayaa ku jira tababbaro ku aadan difaaca rayidka ee Jasiiradaha Penghu (BENG-HUU), oo 50km un u jira dhulka Shiinaha. Tababbarradani waxay dayayeen weerarro gantaallo ah, burbur ku yimid kaabayaal, iyo barakac dadwayne. Inkastoo ay muujiyeen dareen degdeg ah, haddana waxay iftiimiyeen nuglaansho weyn. Sarkaal kormeerayay goob cunto-qaybin oo ka mid ahaa kooxaha gurmadka ayaa yiri: “In ka badan 7,000 oo qof baa saf geli doona… arrintaasi waa mid gebi ahaanba aan macquul ahayn iyadoo la eegayo tirada shaqaalaha iyo agabka la haysto.”

Taiwan waxay kordhisay miisaaniyaddeeda difaaca waxayna sii wadataa inay hesho gargaarka milatari ee Mareykanka uu siiyo, oo ay ku jiraan taangiyo casri ah iyo nidaamyo gantaallo. Si kastaba, dib u dhacyo ku yimid keenista hubka iyo daciifnimada kaabayaasha rayidka ayaa weli caqabad ku ah.

Dowladda Taiwan sidoo kale waxay maalgelin ku samaynaysaa diyaaradaha badda u socda ee aan duuliyaha lahayn ee lagu magacaabo -sea drones-, iyo barnaamijyo tababar u ah shacabka, balse khubaradu waxay sheegayaan in wax badan weli loo baahan yahay si loola jaanqaado khatarta dhabta ah.

Iyadoo cadaadiska Shiinuhu sii kordhayo, waqtiga lagaga hortagi karo dagaalkana uu sii yaraanayo, ayaa Taiwan waxay ku boorrisay beesha caalamka inaysan yaraysan khatarta. Wu  jin jang wuxuu yiri: “Waxaan sameyneynaa wixii karaankeena ah, laakiin kaligeen kuma filnin”.

HBN Online TV 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed