Taiwan ayaa si weyn u taageertay dadaallada Somaliland ee aqoonsi raadinta, iyada oo bogaadisay baaqii Senator Ted Cruz ee taageeray Somaliland. Xafiiska Taiwan ee Somaliland ayaa sheegay in aqoonsiga Somaliland uu dan qaran ugu jiro sida hadalka loo dhigay Mareykanka, isla markaana Taiwan ay hore ula yeelatay wada-hadallo la xiriira aqoonsiga Somaliland dalal kale oo saaxiibo ah, Sida uu baahiyey Teleshinka Somaliland.
Xafiiska Somaliland ee Taiwan ayaa caddeeyay in cadaadiska Shiinaha aanu ka hor istaagi doonin, ayna sii wadi doonaan wada-shaqeynta dalal ay isku aragti yihiin, sida Taiwan iyo Mareykanka. Taiwan ayaa intaa ku dartay in aysan qayb ka ahayn Shiinaha, xiriirkeedana uu ku dhisan yahay sida ay sheegto qiyamka dimuqraadiyadda ee ay la wadaagaan Somaliland, iyada oo taageero caalami ah laga filayo.
Shiinaha ayaa si deg-deg ah uga jawaabay, isagoo ku adkaystay in Beijing ay tahay dowlada kaliya ee sharci ah ee mas’uul ka ah Taiwan, hadallada Taiwan-na ay tahay marin
Dhanka kale, Golaha Guurtida Somaliland ayaa si weyn u mahadceliyay Senator Ted Cruz kadib markii uu ka dalbaday Madaxweyne Donald Trump inuu aqoonsado Somaliland.
Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Guurtida, C.qaadir Maxamed Xasan (Indho Indho), ayaa tilmaamay in baaqa Cruz uu muujinayo guulaha Somaliland ka gaartay doorashooyinka nabadgelyada iyo kaalinteeda istiraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed, ka hortagga argagixisada iyo burcad-badeedda.
Wuxuu sidoo kale caddeeyay in aqoonsiga Somaliland uu kor u qaadi doono amniga Maraykanka iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika.
Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa si weyn uga soo horjeeda xiriirka Somaliland iyo Taiwan, halka Taiwan iyo Somaliland ay ku dadaalayaan dhismaha xiriir caalami ah, waxayna la kulmayaan cadaalisyo aad u adag.
HBN ONLINE TV