Taiwan oo go’aanka ka soo saartay aqoonsiga Somaliland ay ka heshay Israa’iil

Jasiiradda Taiwan ayaa noqotay halkii ugu horreysay ee si rasmi ah u soo dhoweysa go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, iyada oo tilmaamtay in tallaabadan ay bilow u tahay iskaashi saddex-geesood ah oo u dhexeeya Israa’iil, Taiwan iyo Somaliland.

Taiwan ayaa sheegtay in Israa’iil ay tahay sida ay ku andacootay “saaxiib dimuqraadi ah oo aragti la wadaag ah, kana wada siman yihiin qiyamka dimuqraadiyadda, xorriyadda iyo ku-dhaqanka sharciga,” isla markaana aqoonsiga Somaliland uu horseedi doono iskaashi dhinacyo badan leh, oo ay ka mid yihiin beeraha, dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo meelo kale.

Xiriirka Taiwan iyo Somaliland ayaa sii xoogeysanayay tan iyo markii ay labada dhinac 2020 ka kala furteen xafiisyo Taipei & Hargeysa, iyadoo iskaashi laga sameeyay sida la sheegay dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, beeraha, amniga, isgaarsiinta iyo tamarta.

Dhinaca kale, go’aanka Israa’iil ayaa la kulmay cambaareyn ka timid Masar, Soomaaliya iyo Turkiga, kuwaas oo ku adkeeyay dhowrista midnimada dhuleed ee Soomaaliya, islamarkaana ka digay khataraha ay arrintani ku yeelan karto nabadda iyo ammaanka caalamka.

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa sidoo kale sheegay inaysan haatan qorsheynin inay raacaan Israa’iil, iyagoo mar kale muujiyay taageeradooda midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Shiinaha ayaa sidoo kale diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, isaga oo ka digay in faragelinta arrimaha gudaha ee Soomaaliya ay keeni karto cawaaqib xun.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed