Xukuumadda Taiwan ayaa gargaar bani’aadannimo oo isugu jira raashin & adeegyo kale ugu deeqday Somaliland, si wax looga qabto saameynta abaarta ka jirta deegaanno badan.
Waxaa la filayaa in gargaarkan oo ah bariiska ah ee ka yimid Taiwan uu horseedi doono sida la tilmaamay taageerooyin dheeraad ah oo caalami ah oo loo fidiyo Somaliland, iyadoo Taiwan lagu tilmaamay xubin muhiim ah oo bixisa gargaar dhab ah oo si toos ah u gaara dadka u baahan.
Taiwan ayaa ka jawaabtay baaqii Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabullaahi Cirro, uu jeediyay bishii Nofeembar 2025, kaas oo ku saabsanaa gargaar degdeg ah oo loogu gurmanayo dadka ay abaartu saameysay. Taiwan ayaa bixisay 288 tan oo bariis ah, kuwaas oo qiimahoodu dhan yahay 500 oo kun oo doollar.
Waxaa lagu qiyaasayaa in ku dhowaad 10,000 qoys ay ka faa’iideysan doonaan gargaarkan, taasoo wax weyn ka tari doonta yareynta dhibaatooyinka nololeed ee ay abaartu ku reebtay shacabka Somaliland.
HBN ONLINE TV

