Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan (Bakaal), iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar rasmi ah ku jooga Taiwan, ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Taiwan, Lai Ching-te, waxaana ay kala saxeexdeen heshiis ku saabsan sugidda amniga biyaha Somaliland.
Heshiiskan oo muddooyinkii u dambeeyey ay jirtay hadal hayntiisu, ayaa maanta si rasmi ah loo saxeexay. Wasiir Bakaal ayaa sheegay in heshiiska maanta ay la gaadheen Taiwan uu horseed u noqon doono horumar weyn oo labada dhinacba wada gaadhaan.
Madaxweynaha Taiwan, Lai Ching-te, ayaa isaguna heshiiska ku tilmaamay mid bog cusub u furaya iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac, isagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda uu heshiiskani u leeyahay labada dhinac.
Sida ay warbaahinta caalamiga ahi sheegtay, heshiiskan ayaa la filayaa inuu horseedo in Somaliland ay Taiwan ka hesho hub iyo gaadiid casri ah oo ay isticmaalaan ciidamada badda, taas oo kor u qaadi doonta amniga xeebaha Somaliland.
Dowladda Federaalka Soomaaliya weli lama jawaabta ay ka bixin doonto heshiiskan cusub ee badda, iyadoo ay suurtagal tahay in uu horseedo in ciidamada Taiwan ay yimaadaan gudaha Somaliland. Dowladda Soomaaliya ayaa hore uga soo horjeedsatay heshiisyo badeed oo hore Somaliland u gashay.
HBN ONLINE TV