Dooni tahriibayaal ah oo ay la socdeen ku dhowaad 35 qof oo ka soo shiraacatay Liibiya ayaa ku degtay bartamaha Mediterranean-ka, waxaana la xaqiijiyay in mid ka mid ah uu dhintay, labo kalena la la’yahay, sida uu sheegay isku duwaha wakiilka UNICEF ee dalka Talyaaniga Nicola Dell’Arciprete.
Ciidamada Ilaalada Badda ee Talyaaniga ayaa fuliyay howlgal samatabixin ah Jimcihii meel u dhow jasiiradda Lampedusa, iyagoo badbaadiyay 11 muhaajir, oo ay ku jiraan afar carruur ah oo aan lala socon waalidkood, islamarkaana soo saaray maydka haweeney uur lahayd.
UNICEF ayaa sheegtay in dadka la badbaadiyay iyo meydka haweeneyda la geeyay Lampedusa, halka dadka kale ee saarnaa doonta aan ilaa hadda la helin. Warbixinaha ayaa tilmaamaya in doonta ay rogmatay kadib laba maalmood oo ay ku jirtay badda, sida uu sheegay Dell’Arciprete.
Dhacdadan ayaa kusoo beegantay xilli Axaddii laba muhaajir la helay meydadkooda, halka 14 kale ay xaalad halis ah ku jiraan kadib markii ciidamada cashuuraha Talyaaniga ay qabteen doon kale oo siday 85 muhaajir u kala dhashay Pakistan, Eritrea, iyo Soomaaliya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka AGI.
Badda u dhow Lampedusa ayaa toddobaadyadii u dambeeyay noqotay goob ay ka dhacayaan shilal isdaba joog ah oo muhaajiriin la xiriira. Kaliya maalintii Jimcaha ayaa la soo sheegay in ku dhowaad 20 qof ay maqan yihiin kadib markii dooni kale ku degtay halkaas. Sida laga soo xigtay xogta Qaramada Midoobay, in ka badan 32,700 muhaajir ayaa ku dhintay isku daygooda ah inay ka gudbaan badda Mediterranean tan iyo 2014, kuwaas oo ku dhow shan meelood meel carruur ahaayeen, sida uu sheegay Dell’Arciprete.
HBN ONLINE TV