Switzerland oo dacwad “dambiyo xasuuq” lagaga soo oogay Madaxweynaha Israa’iil

Xeer-ilaaliyayaasha dalka Switzerland ayaa shaaca ka qaaday inay si dhow u eegayaan dhowr cabasho oo laga gudbiyay madaxweynaha Israel Isaac Herzog oo booqdasho ku tagay dalkaasi, iyadoo warbixinno warbaahineed ay tilmaamayaan in ururada aan dowliga ahayn ee NGO-yada ah ay ku eedeeyeen inuu “kiciyay xasuuq” ka dhacay Gaza.

Xafiiska xeer-ilaaliyaha Switzerland ayaa sheegay inuu helay “dhowr cabasho oo dambiyeed” oo ka dhan ah Herzog, kaasoo toddobaadkan booqday Switzerland si uu uga qaybgalo Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee Davos.

“Cabashooyinka dambiyada hadda waa la baarayaa iyadoo la raacayo hab-raacyada caadiga ah,” ayuu xafiisku ku sheegay email loo diray wakaaladda wararka ee AFP, isagoo intaa ku daray in xafiisku uu xiriir la sameynayo wasaaradda arrimaha dibadda Switzerland si loo qiimeeyo “arrinta xasaanadda madaxweynaha Israa’iil la xiriirta.”

Xeer-ilaaliyaha ma uusan bixin wax faahfaahin gaar ah oo ku saabsan cabashooyinka la soo gudbiyay. Wakaaladda wararka ee Switzerland, Key Stone-ATS, ayaa werisay in mid ka mid ah cabashooyinka ay ka timid NGO la yiraahdo Legal Action Against Genocide.

Wakaaladdu waxay intaa ku dartay in ururku uu dalbanayo in Herzog lagu soo oogo dacwad “kicin xasuuq iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha.”

Cabashada ayaa ku aadan in Herzog uu “marar badan jeediyey hadalo lagu taageerayo xasuuq iyo dambiyada dagaal ee Gaza, isagoo meesha ka saaray farqiga u dhexeeya dadka rayidka ah iyo dagaalyahanada.”

Herzog ayaa maalintii Talaadada hadal ka jeediyay magaalada Davos, laakiin ma cadda inuu weli ku sugan yahay Switzerland.

Cabashooyin kuwan la mid ah ayaa laga gudbiyay Herzog mar uu ka qaybgalay kulanka Davos sanadkii hore, laakiin xafiiska xeer-ilaaliyaha ayaa diiday inuu baaritaan furo markaas.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed