Suurtal ma tahay in Ciidamada Itoobiya howlgalka soo socda ka dib heshiiskii Ankara lagu soo celiyo?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi ayaa sheegay in uusan isku xirnayn heshiiskii ka dhacay Magaalada Ankara iyo Howlgalka cusub ee AUSSOM Dalalka lagu soo daryo & kuwa laga saarayo, taasi oo Itoobiya laga reebayo.

Go’aanka diidmada ama aqbalidda ayuu tilmaamay in ay leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, sidaas awgeedna iyada ay u madaxbannaan tahay Dalalka ay u aragto in ay munaasab ku yihiin howlgalkaas billaabanaya 2025.

Fiqi ayaa shaaciyay in wadahadalkii Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya ee Turkiga ka dhacay in aanay lagu soo hadal qaadin arrinta la xiriirta go’aankii Dowladdu ku xulatay Dalalka xubnaha ka noqanaya howlgalka AUSSOM ee baddelaya ATMIS, kaasi oo kal hore la shaaciyey in laga reebay.

“Ciidamo wax ku saabsan loogama hadlin meeshaan, Masar ayaan looga hadlin, walaa Itoobiya ayaa looga hadlin, balse arrinta xadgudubka ku saabsan ayaa looga hadlay, Ciidanka soo socda AUSSOM cidda ka kamid noqoneysa Soomaaliya ayaa iska leh oo kuma xirna heshiiska la gaaray, 18-ka Bishaan ayaan fileynaa in Golaha Ammaanka shir ka yeesho” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay Itoobiya u hordhigtay shuruud haddii ay fuliso ay uga mid noqon karto howlgalka AUSSOM, waana in ay ka laabato heshiiskii ay la gashay Somaliland ee dhowaan isku fahmeen labada Dowlad.

Inkasta oo Soomaaliya ay si cad u sheegtay in howlgalka Itoobiya ay ka reebtay, hadane wasiir Fiqi aya bidhaamiyey in Muqdisho iyo Addis Ababa heshiiska ay gaareen uun uu ku koobanaa doono wajiga cusub oo wax wada qabsi ah, balse aanay ku jirin ka reebitaanka arimaha ciidamada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed