Suuqyada Soomaalida ee Minneapolis oo haawanaya

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu madaxwaynaha Maryekanka Donald Trump uu si kulul u weeraray Soomaalida gobolka Minnesota oo uu sheegay in ay dowladda ay tallaabo ka qaadi doonto ayaa waxay arrintan qalqal ku abuurtay Soomaalida halkaasi ku dhaqan, gaar ahaanna goobaha dukaamada.

Suuqa Soomaalida ee Karmel, oo ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan ee ganacsiga Soomaalida Minnesota ahaana meelaha isu imaatinka badi ka dhici jiray Soomaalida, ayaa ka mid ah meelaha sida tooska ah looga dareemay saameyn culus tan iyo markii ay billowdeen qabqabashada ay wadaan ciidamada ICE. Waxyaabaha si aadka ah ay saameyn doonto waxaa ka mid ah Biilasha qoysaska & waxbarashada.

“Dadkii sharciga haystay ee warqada way ka carareen, guryahay joogaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Ganacsatada suuqa Karmel Bashiir oo warbaahinta BBC-da ay wax ka weydiisay xaaladda Soomaalida.

Falkan oo si lama filaan ah u dhacay ayaa beddelay dhaq-dhaqaaqii maalinlaha ahaa ee suuqan, kaas oo aad hoos ugu dhacay isla markaana abuuray cabsi ballaaran oo bulshada dhexdeeda ah.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed