Haweenka ku ganacsada kawaanka suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in muddo 10 maalin ah loo qabtay in ay kaga guuraan suuqa oo la burburin rabo, ka dib fariin kaga timid maamulka degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.
Suuqa oo ahaa mid muddo ay ku ganacsayeen haweenka hilibka ayey sheegeen in dhulka looga boobayo waa sida hadalka ay u dhigeene dad ganacsato ah in ay la wareegaan.
Qaar ka mid ah haweenka ku ganacsada suuqa oo la hadlay warbahainta aya sheegay in halkaasi ku ganacsadaan ugu yaraan 500 oo qof, aysan ka guuri karin, maadaama noloshooda ay ku tiirsantahay waxa suuqa ka soo gala, haatanna deymo badan lagu leeyahay.
“Aniga hadaanan neef qalin ilmaheyga bariis uma haayo oo ilaahey ila og yahay, agoonaa heystaa” ayey tiri hooyo ka mid kuwa ku ganacsada suuqa.
Hooyooyinkan ayaa sheegay in cabasho ay ka yihiin Guddoomiyaha degmada oo ku eedeeyeen in uu askar u soo adeegsado sida ay sheegeen, waxaana maamulka gobolka Banaadir ay ka codsadeen in fariintooda cabashada ah kaga jawaabo sida ugu dhaqsiyaha badan.
Xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Soomaliya ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay sifada lagu barakicinayo haweenka Suuqa hilibka ee Bakaraaha, waxaana si gaar ah ugu eedeeyeen masuuliyiin ka mid ah madaxda maamulka Gobolka Banaadir. weli kama jawaabin eeda laba geesoodka ah maamulka gobolka Banaadir.
Suuqaan ayaa waxaa horay u dhisay dowladdii kacaanka, waana mid ka mid ah suuqyada ugu faca weyn ee gobolka Banaadir.
HBN ONLINE TV

