SSC-khaatumo oo wada ka bixitaanka maamulka ku meelgaarka ah

Magaalada laasacaanood ayaa waxaa ka socda kulamo kala duwan oo u dhaxeeya masuuliyiinta ku meelgaarka ah ee SSC-Khaaatumo iyo dhaqanka deeganadaasi, kaasi oo ku aadan qaabka ay u dhici doonto doorashooyinka qorshuhu yahay in dhidibada loogu taagayo maamul rasmi ah.

Wajiga Labaad ee kulanka udhaxeeya golaha fulinta maamulka SSC-khaatumo iyo golaha hogaanka dhaqanka maamulka SSC-khaatumo oo ka dhacay magaalada laasacaanood ayaa lagaga hadlay doorashooyinka ku so wajahan maamulka ssc-khaatumo xilli deeganadaasi ay masuuliyiintoodu shaaciyeen in la wado qorshe dhidibada loogu taaagayo maamul rasmi ah.

Huggaamiyaha hadda SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali ayaa sheegay dhawaan in inuu yahay musharax markale, si uu majaraha ugu qabto maamulka curdunta ah.

SSC-Khaatumo ayaa wada sidii ay uga xuubsiiba laheyd kumeelgaarka, iyada oo u hardamaya sii ay u noqon laahaayeen maamul rasmi, si aqoonsi buuxa uga hesho dowladda dhexe ee Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed