Maamulka SSC-Khaatumo oo ka hadlay colaad sanadaha badan kala dhexeysa Somaliland ayaa su’aalo galiyey habka heshiis nabadeed lagu gaari karo, ka dib markii uu dhaliilo adag u jeediyey dadka nabad ku baaqaya.
Inkasta oo uu sheegay in cidna aanay kaga horeyn iyaga arimaha nabadda sida uu hadalka u dhigay Wasiirka warfaafinta SSC-khaatumo Najiib Barkhadle Warsame, hadane waxaa uu shaaciyey inay jiraan dad marin habaabinaya beesha caalamka. Dadkaasi ayuu ku eedeeyey in ka shaqeeyaan nabad-galyo xumada.
Wasiirka ayaa sidoo kale, inta uu ku guda jiray khubad uu jeedinayey waxaa daboolka qaaday in nabaddu soo xirmi doonto ka dhex dhacda iyaga iyo Somaliland, sida uu warka u dhigay “marka ay kala gartaan waxa ay leeyihiin iyo waxa aan leenahay.”
Hadalkan oo durba ku baahay bogaga bulshada ayaa waxa ka dhashay waydiimo badan oo ku aadan qaabka dhinacyadu ku heshiin karaan iyo sida loo dagaalka daba-dheeraaday xal loogu heli karo, maadama uu galaaftay nolosha badan.
HBN ONLINE TV