Hoggaamiye maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye ayaa sheegay in muddo sanad ah oo maamulkaasi jiray aysan xaquuq ah ka helin dowladda, halka uu tilmaamay in qodobada qaar ee dastuurka dalka ay dood qabaan shacabka maamulkasi.
Hoggaamiye Firdhiye ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay maamulkiisa kaga maqan tahay xuquuq badan, haddii ay dhici waydo in xaquuqdaasi helaanna ay isku tasha doonaan.
“Muddo sanad ah oo maamulkaasi jiray xiriirka ka dhexeeya dowladda federaalka ah iyo SSC-Khaatumo ilaa hadda waxaan ku qiimeynaynaa, qiimeyn toggan. Waa jirtaa in xaquuqo fara badan oo aheyd in sanadkaa gudihiisa dad SSC-Khaatumo ay gaaraan ay weli maqanyihiin” ayuu yiri Huggaamiye Firdhiye.
Waxaa uu sheegay huggaamiye Cabdiqaadir Axmed in xaquuqda shacabka SSC-Khaatumo ay u gali doonaan meel walba, isaga oo tilmaamay in maamulka laga saari doono ku meel-gaarnimada hadda uu ku jiro, iyada oo loo u marayo hanaanta dowlad dhiska.
Waxaa uu carrabaabay in SSC-Khaatumo aanay horay u helin ka qeyb galka wax ka bedelka dastuurka Soomaaliya, balse ay maanta hayaan, ayna ka faa’iideysa doonaan, maadama ay dowladda dhexe halkaasi ka bilowday wax ka bedelka cusubyada 5-aad ilaa 9-aad ee dastuurka dalka.
HBN ONLINE TV