SSC-Khaatumo oo qalinka ku duugtay sharci ciqaabaya dadka la shaqeeya Somaliland

Hoggaamiyaha KMG ah ee SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye ayaa caawa qalinka ku duugay sharciga Ciqaabaya dadka la shaqeeya Somaliland, kaasi oo golaha Baarlamaanka maamulku uu soo soo gudbiyey.

Hoggaamiye Firdhiye ayaa uga mahadceliyey Guddoonka Golaha dexe iyo Xildhibaannada sharafta leh sida xilkasnimada leh ee ay u ansixiyeen Sharcigan, isagoona ugu baaqay in sidoo kale dhammaystiraan xeerarka horyaalla.

SSC-Khaatumo ayaa sheegtay xustay in sharcigan uu yahay mid ka hortagaya khataraha jiritaan ee liddiga ku ah Maamulka SSC-Khaatumo.

Ugu danbeyn, sharcigan ayaa danbiile u aqoonsanaya cid walba oo reer SSC-Khaatumo ah oo isku dayda in ay la timaado qaddiyad aan waafaqsanayn qodobadii 6-dii February iyo dhammaan mabaadi’dii waxa loogu yeero halgan ee shacabka naf iyo maalba u hureen muddada dheer.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed