Maamulka SSC-Khaatumo ayaa maanta awaamiir ay soo saartay kaga mamnuucday magaalada caasimada u ah ee Laasacaanood in wax hub ah lala soo galin Karin, iyada oo askarta iyo dhamaan dhinacyada hubka faraha ugu jirto u dirtay digniin arinkaasi ku aadan.
Shir ay isugu yimaadeen guddiga amaanka ee maamulka SSC-Khaatumo oo looga hadlay amaniga deegaanada maamulka, ayaa waxaa si gaara diirada loogu saaray amniga magaalada Laasacaanood iyo in laga hortago waxyaabaha dhaawici kara badqabka shacabka.
War saxaafadeed oo manta oo arbaca ah ka soo baxay Maamulka SSC-Khaatumo oo uu warbaahinta u akhriyey wasiirka warfaafinta Najiib Barkhadle Warsame ayaa laga bilaabo oo 21-ka Agoosto ah lagu war galinayay shacabwaynaha caasimadda SSC-Khaatumo in ay mamnuuc tahay wadashada Hubka gudaha caasimadda.
Wasiirka warfaafinta maamulka Khaatumo ayaa intaasi ku daray isaga oo faraya talisyada guud in aysan gudaha magaalada la soo gali Karin wax hub ah, aysanna jiri Karin wax hub ah loo ogolyahay, marka laga reebo ciidamada howlgalada ku jira.
“Waxaa maanta oo ay tahay taariikhdu 21-agoosto-2024 lagu war galinaya shacabwaynaha caasimadda ssc-khaatumo in ay mamnuuc tahay wadashada Hubka gudaha caasimadda” ayuu yiri wasiir Barkhadle.
HBN ONLINE TV