SSC-Khaatumo oo ka hadashay sababta ka dambeysay inuu baaqdo shirkii lagu ballansanaa iyo caqabadaha jira

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ka hadlay baaqashada shirweynihii la filayay inuu maanta ka furmo magaalada Laascaanood, iyagoo sheegay in dib u dhaca uu yimid sababo la xiriira arrimo farsamo iyo wadatashiyo socda, balse shirka si rasmi ah loo qaban doono maalinta Axadda.

Wasiirka Warfaafinta SSC-Khaatumo, Najiib Barkhadle Warsame, ayaa sheegay in haatan ay soo dhammaadeen kulamadii hordhaca ahaa, isla markaana laga gudbay caqabadihii taagnaa, waxaana si toos ah loo guda geli doonaa ajandaha dhameystirka maamulka SSC-Khaatumo.

Guddiga farsamada iyo hoggaanka sare ee SSC ayaa dadaal ugu jira sidii loo xallin lahaa tabashooyinka qaar ee ka dhex jira siyaasiyiinta deegaanka, iyadoo weli dood laga qabo sidii gobolka Sanaag si buuxda loogu dari lahaa maamulka cusub.

Dhanka kale, xildhibaannada Baarlamaanka KMG ah ee SSC ayaa shir degdeg ah ku go’aamiyay in la dhameystiro maamulka, lana qabto doorasho, iyagoo xusay in SSC-Khaatumo ay haatan ku jirto marxalad cusub, halkaas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay guddi farsamo u dirtay si ay u fududeeyaan geeddi-socodka aayo-ka-tashiga.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed