Hogaanka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa qoraal ka soo baxay waxaa dowladda Soomaaliya loogu baaqay in ay raadiso maamulada Puntland iyo Jubbaland, iyada oo cadeynaysa xuquuqda Shacabka SSC-Khaatumo ama ay go’aan iskood ah gaari doonaan.
Kulan maanta uu yeeshay Baarlamaanka Maamulka SSC-Khaatumo oo ajendahiisu ahaa ka doodidda xaaladaha guud ee Maamulka SSC-Khaatumo ayaa go’aamo ka soo saaray arinta wax ka badelka dastuurka JFS, kaas oo guddiga gacanta ku haya ay soo gaareen magaalada Laascaanood, kana wadaan latashiyo ay la samaynayaan Maamulka iyo Bulshada SSC-Khaatumo.
Sidoo kale Golaha ayaa dood dheer iyo falaqeyn ka dib soo saaray go’aamo lagu sheegay in Golaha u arkay in ay lagama maarmaan tahay in la raadiyo maamulada Puntland, Jubbaland iyo dhammaan cid kasta oo xaq u leh in wax laga waydiiyo, si loo xaqiijiyo tala wadaag iyo isla oggol siyaasadeed, kaas oo Bulshada soomaaliyeed u horseeda midnimo, horumar iyo xasilooni siyaasadeed.
Maamulka SSC ayaa sida oo kale tilmaamay in madaxda DFS iyo daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya in ay lagama maarmaan tahay in Maamulka SSC- Khaatumo iyo dadkiisu ay helaan xuquuqdooda ay ku leeyhiin Soomaaliya sida arimaha gargaarka, horumarinta iyo matalaadda siyaasadeed.
Goluhu ayaa waxa uu ugu baaqay madaxda DFS iyo madaxda dawladaha xubnaha ka ah in ay u midoobaan ka shaqaynta danaha bulshada Soomaaliyeed, kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara is khilaaf iyo kala fogaan ama ku dhisan dana gaar ah, wixii kala aragti duwanaan ahna lagu dhameeyo wadahal iyo wada xaajood.
SSC-Khaatumo intii ay dagaalada ka socdeen Laascaanood ayaa waxaa garab gargaar ah oo ballaaran ay ka heshay dowladda Soomaaliya, iyda oo u aqoonsatay degaanadaas maamul KMG ah, waxaana lagu marti qaaday shirar muhiim ahaa oo ka dhacay Muqdisho.
HBN ONLINE TV