SSC-Khaatumo oo goojacadde ku xustay sanad ka dib dagaalkii ay la galeen Somaliland

Masuul, saraakiil iyo madaxda huggaanka u ah maamulka SSC-Khaatumo ayaa maanta ka qayb galayey Isu soo bax weyn oo lagu qabtay xerada ciidamada deegaanka Guumays ee gobolka Sool, halkaas oo lagu xusay sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii ciidamada Somaliland laga saaray xerada Goojacadde iyo deegaanno ka tirsan gobolka Sool.

Huggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo la hadlay boqollaal ka tirsan ciidamadiisa iyo saraakiisha oo ku sugan jiidda Guumeys ayaa sheegay in ay maanta ka xoog badan yihiin sidii ay ahaayeen sanad ka hor markii uu socday dagaal kii dhex maray iyaga iyo Somaliland.

“Ciidankeennu sanad ka hor iyo maanta wuxuu awood badan yahay maanta, waxa uu tayo roon yahay maanta, waxa uu tiro badan yahay maanta, waxa maanta barbar taagan ummadda Soomaaliyeed ee midnimada jecel dhammaantood, waxaynu difaacayno waa dalkeenna iyo dadkeenna inaan dhibaato dambe loo geysan iyo midnimada iyo wadajir ka qaranka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo.

Huggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa u mahad celiyay cid kasta oo ku gacan siisay sanad ka hor dagaal kii ay la galeen Somaliland, isaga oo sheegay in aan marnaba laga tanaasuli doonin qadiyaddii ay u dagaalameen dad kii uga dhintay dagaalka sideedda bilood socday sanad kii hore ee 2023.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed